Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo howlgalo ka wada deegaanka Ceelasha Biyaha

April 29, 2015 - Written by Editor

7Afgooye:-Wararka ka imaanaya Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugidda ee DFS ay howlgalo baahsan ka fuliyeen xalay ilaa saaka Degaanka Ceelasha Biyaha.

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howlgalada ku sooo qab qabteen ugu yaraan in ka badan 220 qof kuwaas oo haatan ku socdaan baaritaano.

Howgaladan ayaa ku soo aaaday xili weeraro kala duwan shalay ay ka dhaceen gobalka Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin howlgalada ka socoda Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku eedeeyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM in aysan kala saareyn Al-Shabaab iyo dhalinyarada aan wax shaqo ah ku lahayn .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online