Culimada Gobolka Sool oo Baaq nabadeed u diriray beelaha ku diriyaya Deegaanka Taleex.[Video]‏

April 22, 2015 - Written by Editor

BaaqaLaascaanood:-Culimada waaweyn ee ku dhaqan gobolka Sool ayaa baaq nabadeed u diray colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Taleex ee gobolka Sool ka dib isku dhac hubaysan oo dhexmaray labo beelood oo walaalo ah waxaa dagaalkooda ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijyay waxaa dagaalka ku dhintay ilaa shan ruux halka tiro kale oo badan dhaawac ay jiraan iyadoo saacado badani uu socday dagaalku. Dhinaca kale ,waxaa iska soo daba dhacaya ilaa maanta baaqyo badan oo ka imaanay gobollada Sool Cayn , iyo meelo badan.

Culimada ku dhaqan magaalada Laascaanood , iyo odoyaasha ayaa baaq nabadeed u diray , iyagoo ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka . Waxaa si la mid ah iyana baaq nabadeed u diray masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland iyo Maamulka Khaatumo iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada.

Isimada Cuqaasha iyo Culumada Buuhoodle oo iyana maaanta duhurimadii ku qabtay kulan ballaadhan magaalada Buuhooodle ee gobolka Cayn ayaa si deg deg ah ayaa waxay baaq nabadeed ka soo saareen dagaalka maanta mar kale ka soo cusbooday degmada Taleex ee gobolka Sool.

Issimada Buuhoodle ayaana ugu baaqay beelaha walaalaha ah in dagaalkaasi si shuruud La,aan ah lagu joojiyo, waxayna beelaha walaalaha ah ugu baaqeein inay dagaalka joojiyaan oo miiska wadahadalka la Isugu yimaado.

Hoos ka daawo baaqa culimada Soomaaliyeed ee Gobolka Sool

Mawliid Isma Haradigeed
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online