Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan gobolka Gedo

April 6, 2015 - Written by Editor

duqeynGedo:-Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo,sida uu warbaahinta u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya  ayaa waxaa ay duqeyn ka geysteen deegaano u dhexeeya Degmooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo waxaan warar hordhac ah ay sheegayaan in xoolo badan ay duqeynta waxyeelo u geystay .

Cornel Yaasiin Xasan oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka DFS ee gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay xarumo ay leeyihiin dagaalyahanada Kooxda Al-shabaab balse uusan xaqiijin karin sida ay wax u gaareen.

Cornel Yaasiin Xasan ayaa xaqijiyey in duqeynta ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobalka Gedo ay waxyeelo u geystay xoolo badan oo ay lahaayeen dadka ku dhaqan inta u dhexeysa Garbahaarey iyo B/xaawo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online