Dooni sida Soomaali ka soo carartay dagaalada Yemen oo soo gaartay Boosaaso (Masawiro)

April 1, 2015 - Written by Editor

5Boosaaso:-Waxaa Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari soo gaartay Dooni siday 62 ruux oo soomaali ah kuwaasi oo kasoo cararay dagaalada iyo duqeymaha ka socda dalka Yemen oo ay mudo dheer ku noolaayeen.

Dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararay dalka Yemen ayaa waxaa ay iskugu jiraan Haween, Carruur, dad waayeel ah iyo kuwo xanuunsan oo  aad u liidatay waxaana qaar ka mid ah loo qaaday qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Boosaaso.

Dadweynaha soo gaaray maanta Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso iyo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgalada magaalada Boosaaso.

no images were found

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee dowladda Puntland C/samad Maxamed Gallan oo la hadalay saxaafada isaga oo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay u diyaar garowday soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada iyo duqeynta ka socda dalka Yemen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online