Dugsiga Daarul birri oo Xaflad Qalin jabin ah u qabtay 190 arday (Masawiro)

April 29, 2015 - Written by Editor

IMG-20150428-WA0049Munaasabad ay ku qalin jabiyeen 190 arday oo xifdiyay qur’aanka  kariimka iyo 85 arday oo dhammaystay dugsiga dhexe ee dugsiga Daarul birri ee xifdinta qur’aanka kariimka ah iyo waxbarashada asaasihga ah ayaa lagu qabtay hoolka Dr c/qaadir maxamed c/laahi ee jaamicada bariga afrika .

Munaasabada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa goob joog ka ahaa boqolaal dadwayne ah kuwaas isu gu jiray waalidiin macalimiin arday  mas’uuliyiin ka socota  wasaarada  maamulka dalada waxbrashada PEN maamulaka mu”asasada alminhaaj maamulka jaamicada bariga afrika maamulka jaamicada Muqdisho mamulauaalayaasha dugsiyada iyo marti shaaraf kale .

Iimaan Yuusuf Maxamuud maamulaha guud ee dugsiga Daarul birri ahna asaasihii dugsiga  daarul birri ee xidinta qur’aanka kariimka ah iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa ka warbixiyay taariikhda dugsiga iyo dafacadihii ka qalin jebiyay wuxuuna hadaladiisii ka mid ahaa  Ka dib markii uu mahad celiyay martidii ka soo qayb galay ( dugsiga haddaan ka war bixiyo taariikhdiisa waxaa la asaasay 2004 waxaana ka qalin jebiayay xifdinta qur’anaka kariimka  ah shan lod  oo ay ugu danbayso lodkan oo dhan 190 arday oo kala ah 115 wiil iyo 75 gabdhood sidoo kale waxaa dhammaystay marxalada dugsiga dhexe lix lod ama dafco oo dafcadaan ugu danbayso oo tiradoodu dhan tahay 85 arday oo kala ah 57 wiil iyo 27 gabdhood waxaan ilahay ku mahadinaynaa inuu iskuulku yahay hormuudka aqoon tayo leh ee gayigeena isagoo ka dhex muuqda dhanka qur’aanaka iyo dhinaca iskuulkaba ayna markhaanti u tahay kaalimaha uu ka galo imtixaanka santarlayska ah iyo tartanka qur’aanaka kariimka ah ee Puntland taasna waa  ilahay fadligii dabadeedna dadaalka ay bixinayaan macalimiintayada aad ka u qiimaha badan ) sidoo kale maamuluhu wuxuu ballan qaaday inay tix gelin doonaan codsiga waalidka eek u aadan in dugsigu loo sameeyo dugsi sare

Sidoo kale waxaa  ka hadlau xildhibaan Ayaanle Gallan Guuleed oo ku hadlay kelimada waalidka  wuxuuna bogaadiyay ardayfda qalin jebisay ee qur’aanaka xifdiyay iyo kuwa dhammaystay dugsiga dhexe  wuxuuna u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta dugsiga dadaalaka ay bixinayaan isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan wuxuuna ka codsaday maamulka in dugsiga loo sameeyo dugsi sare wasaaradana ay ka caawinto arintaa

Waxaa kale oo munaasabada ka hadlay guddoomiyaha mu’asasada al minhaaj  maxamed c/laahi cabdala isagoo u hanbalyeeayay dhammaan ardayda qalin jebisay  isagoo maamula iyomacalimiinba ku booriyay inay dadaalka ay wadaan sii laba laabaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay guddoomiyaha dalada waxbarashada PEN Maxamed Faahiye Ciise  isagoo u hanbalyeeyay  ardayda una rajeeyay mustaqbal ifaya  sidoo kale waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediayay munaasabda guddoomiye ku xigeenka jaamacada bariga afrika maxamed maxamuud ciise isagoo ku soo dhoweeyay maamulka dugsiga macalimiinta waalidka ardayda iyo dhammaan martida hoolka Dr C/qaadir Maxamed Cabadala ee bariga afrika wuxuuna u hambalyeeyay ardayda xaflada loo qabatay waxaa kalmad qiimo hambalyo baraarujin iyo talo ah soo jeediayay maamulka jaamicada Muqdisho gabagabadii waxaa soo xiray xaflada guddoomiyaha waxbarashada degmada C/laahi Xasan Abshir oo ku hadlaayay  magaca wasaarada wuxuu u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay wuxuuna aad u amaanay maamulka dugsiga isagoo ka martkhaanti kacay inuu dugsiga maamulkiisu aad u habaysan yahay ayna macalimiin ka yihiin macalimiin aqoon sare leh kana soo baxay kuliyada waxbarashada  ayna yihiin macalimiinta wax ka dhiga secondryada magaalada  isagoo u rajeeyay inay ku guulaystaan imtixaaanka sentarlayska ah  .

no images were found

Intii xafladu socotay ardaydu waxay soo bandhigeen kelmado aad usoo jiitay ka soo qayb galayaasha iayagoo ku jeediayay afsoomaali sf carabi iyo af English waxaase si gar ah dadku ula dhaceen riwaayad ay ardaydu soo bandhigeen oo ku saabasanayd  tahriibta iyadoo munaasabadii xaflada ay ku soo dhamaatay  si wanaagsan

Musasat Al-Minhaaj
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online