Faahfaahin:-Xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo la weeraray

April 14, 2015 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:- Weerar is miidaamin iyo qaraxyo ah ayaa waxaa laga maqlayaa xarunta Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho , xarunta la weeraray ayaa waxaa ay ku taallaa Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday qof is miidaami yey halka wararka kale qaar ay sheegayaan in rag hubaysan ay gudaha u galeen xarunta oo ay rasaas a dhacayo weli.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar maanta lagu qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee taas ku taalla Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka  lagu qaaday xarunta Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ciidan ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarka,ayna badbaadiyaan dad badan oo ku sugnaa xarunta Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Wasaaradda Amniga Gudaha ee DFS ayaa ka warbixisay weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga  Gudaha ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan  ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Wasaarada ay toogteen 5 kamid ah Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday  halka Labo kale ay is qarxiyeen .

Maxamed Yuusuf Cismaan  Afhayeenka Wasaarada Amniga  Gudaha ee DFS ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 8 ruux iyo laba qof oo rayid ah  iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska .

Dad badan oo u dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay is wiidiinayaa wax ku soo beegay weerarad Al-shabaab marka uu madaxweynaha dowladda federaalka Soomaalya uu ka safro magaalada Muqdisho.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online