Gudoomiyaha rugta ganacsiga dowladda Puntland C/raxmaan Warsame oo waraysi siiyey Halgan.net.[Cod/Masawiro]

April 24, 2015 - Written by Editor

rugAddisAbba:-Gudoomiyaha rugta ganacsiga dowladda Puntland C/raxmaan Warsame Jaamac oo maal mahaan booqasho ku joogay Itoobiya ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan rugta ganacsiga Itoobiya.

Kulanka labada gudoomiye ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta rugta ganacsiga Itooobiya oo ku taal bartamaha Addis ababa gudoomiyaha rugta ganacsiga itoobiya ayaa ugu horayntii si xushmad leh oo qurux badan usoo dhaweeyay gudoomiyaha rugta ganacsiga dowladda Puntland mudane C/raxmaan Warsame Jaamac iyo waftigisii.

Soo dhaweyn ka dib waxaa bilawday kulankii waxaana lagu gorfeeyay arrimo badan oo ay ka mid ahayeen xiriirka labada dhinac wada shaqaynta dhex mari karta labada rugood ee ganacsi Puntland iyo itoobiya. Gudoomiyaha rugta ganacsiga dowladda Puntland ayaa halkaas kusoo bandhigay fursadaha maalgashi ee deegaanada Puntland ka jira khayraadka rabi ku manaystay ee looga baahan yahay suuqyada Itoobiya khayraadkaas oo uu ka mid yahay Kaluunku.

Waxaa kale oo gudoomiyuhu uu ka codsaday rugta ganacsiga Itoobiya in ay la wadaagaan cilmi baarista ay ku samaysay xoolaha wasaarada xanaanada xoolaha iyo beeraha Itoobiya si ay uga faa”idaystaan ganacsatada reer Puntland cilmi baaristaas oo ah mid muhiim ah.

Sidoo kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay gudoomiyaha rugta ganacsiga itoobiya oo sheegay in Puntland ay tahay goob dihin oo leh kheyraad fara badan oo u baahan maalgashi isla markaana suuqyada Itoobiya looga baahan yahay khayraadkaas muhiimna ay tahay in Puntland iyo Itoobiya ay yeeshaan xiriir ganacsi iyo wada shaqayn waxuu kale oo uu soo dhaweeyay codsiga gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland ee ku saabsanaa cilmi baarista xoolaha in ay la wadaagaan Itoobiya.

Ugu danbaytii labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay samaystaan xiriir ganacsi iyo wada shaqayn labada rug ee ganacsi sidoo kale in ay is dhaafsadaan wafuud ganacsi oo kala taga labada dal iyo in shirarka sanad laha ah ee ay qabtaan labada rugood ay isku casuumaan oo ay ka wada qayb galaan.

Isku soo wada duuboo kulankaas ayaa kusoo dhamaaday jawi qurux badan oo farxad galiyay labada dhinac waxaana ay muujiyeen rugta ganacsiga Itoobiya in ay dananayso in ay xiriir ganacsi la yeelato rugta ganacsiga Puntland. Gudoomiyaha rugta ganacsiga puntland ayaa inta uu joogo itoobiya wax uu la kulmi doonaa jaamacaddaha Itoobiya ee kala beeraha iyo xanaanada xoolaha sidoo kalena waxay kulmi doonaan gancastada ugu waa weyn dalka Itoobiya.

no images were found

Hoos ka Dhagayso waraysiga ay Halgan.net la yeelatay Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland C/raxmaan Warsame Jaamac

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/92q4uipgj2/latestwaraysirugta.mp3]

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online