Hibadu Ma Heesbaa ??? W/Q Sheekh C/laahi baashe

April 4, 2015 - Written by Editor

maqaal1Xalay saacaddu markay ahayd ku dhawaad 9:30PM , ayaan furay TV-ga qaranka, S/land  waxaan ka socday barnaamij la magac baxay (( BANDHIG HIBEEDKA SOOMAALILAND EE TV-GA QARANKA )).magaca ayaa i soo jiitay waxaanan goostay inaan barnaamijka daawado, waayo ummad kasta dadkeedu waxa ilaahay siiyay hibooyin gaar ah oo haddii la ogaado ama la soo saaro horumar u horseedi karta.

Goobta waxaa ka muuqda oo fadhiya dhilinyaro aad u tira badan oo inamo iyo hablaba leh, waxaanan uqaatay inay yihiin ardaydii jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka wax ka baranaysay sidoo kale safka hore ee studio-ha waxaa soo fadhiga garsoorayaal afar ah ,3 nin iyo gabadh laba weriye oo liis magacyo ah gacanta ku haya ayaa marba qof ama koox dadka hortiisa soo joojinayay
Waxaa maskaxdayda ku soo dhacday tolow hibada ugu horaysaa maxay noqon doontaa ,anigoo kalsooni wayn ku qaba dhalinyarada dalkeena ee ilaahay ku manaystay hibooyinka aan la soo koobi karin. waxaan isku qanciyay oo aan aaminay in caawa wax wayn oo cajaa,ib lihi meesha ay ka dhici doonaan waayo jinsiga aynu ka soo jeedno ee soomaaliga ah waxaa lagu tiriyaa caalamka inay ka mid yihiin dadyawga ugu maskaxda badan uguna firfircoon .

Waxaase lama filaan iyo kedis igu noqotay markii inan dhalinyaro ah oo si wanaagsan u lebisani uu dadka hortiisa soo isteegay , ka dib markii la waydiiyay maxaa ilaahay hibo kuu siiyay oo aad caawa ku tartamaysaana uu yidhi HEESTA LA MAGAC BAXDAY ……………………..
Janalkii ayaan ka wareegay inta heestu dhaafayso, anigoo weli rajo ka qaba in dhalinyarada ka dambaysaa ay keeni doonaan cilmi iyo aqoon ku salaysan tijaabooyin ay sameeyeen oo aan looga horayn , ama waxyaabo kale oo mucjisooyin noqon karan.

Haddii aan hal cabaar ah sii eegayay barnaamijka , dhawr jeerna aan janalka ka qaaday kadib markii dhawr dhalinyaro ah oo ka dambeeyay kii hore ay sheegteen inay” HEES” ku tartamayaan, qaar kalena “SIDA LOO JAASO”
Waxaa ii cadaatay in magacu aanu barnaamijka u qalmin waayo su,aasha qof kastaa is waydiin karo waxa ay tahay . HIBADU MA HEESBAA????????????? sidoo kale waxaa la odhan karaa Barnaamijkani waa itijaah aan sax ahayn iyo weecin khaldan oo dhalinyaradeena jidka toosan ka leexinaya umana qalmo in hibooyinka eebahood siiyay hees lagu soo ururiyo.

Waxaan kaloo aan dib ka ogaaday in muddo badan uu barnaamijkani ka socday TV-ga qaranka S/land oo hadda uu gabagabo iyo Finale-kii uu marayo dhawaana lagu dhawaaqi doono inanka ama inanta soomaaliland ugu codka baxsan xagga heesaha , iyo kooxda xagga jaaska iyo isjejebinta ugu horaysa. waa arin layaab leh.

Run ahaantii waxaa hubaal ah oo aan shaki ku jirin in dhalinyaradeenu ay leeyihiin hibooyin fara badan oo aan la soo koobi karin dhinac walba , ayna mudan tahay in barnaamijyo iyo mashaariic lagu dhiiri gelinayo loo sameeyo. markastana arimaha iyo baraamijta kuwajahan dhalinyaradu waxay inooga baahan yihiin masuuliyad dheeraad ah iyo alle ka cabsi.

Gabagabada qormadan waxaan u soo jeedinayaa masuuliyiinta warfaafinta gaar ahaan agaasimaha Tv-ga qaranka ee S/land iyo ciddii kale ee ay arintani khusaysaba in barnaamijkaa la joojiyo oo wax kale lagu bedelo, dhalinyaradana waxaan leeyahay : HIBADU HEES MAAHEE HANKAAGA HOOS HAW DHIGIN

Qore: Sheekh C/laahi baashe
Email: cbaashe12@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online