Imaamkii Masjidka Abuhurayra ee Gaalkacyo oo isagoo Sujuudsan la dhaawacay

April 30, 2015 - Written by Editor

masjidka-Gaalkacyo:-Waxaa dad badan oo Soomaali ah dhagahooda ay ku maqli jireen hebel isagoo masjid ku jira ama u socda ama ka soo baxay ayaa la dilay , Bam ayaa lagu tuuray Masjid, Sheekh salaad tukanaya oo rakcadii 3aad ku dhex jira amniyaadka ururka Al-shabaab ku dhex dileen Masjid dhexdiis sidda ka dhacda masjida Beder ee Garoowe oo Sh Cabduqaadir Nuur Faarax lagu dilay.

Dhacdadaan wax ay ka dhacday magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Masjidka Abuhureyra dadkii oo tukanaya ayaa waxaa soo galay dhagarqabe waxaa uu ka soo galay masjidka dhinac Mixraabka oo loogu tala galay in uu ka soo galo Khadiibku dadku waa ay sujuudsan yihiin ka dib waxaa uu soo qaatay dhagaxweyn oo lagu celinayey Al-baabka waxaan uu Madax uga dhuftay Imaamkii dadka tujinayey oo Sujuudsan imaamkii kama kicin meeshii waxaan loola cararay Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo haddana lagu dabiibayo.  ninka weerarka u geystay imaamka ayaa hadda ku xiran Saldhiga Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaan ku socda baaritaan.

Wararka ay heshay Halgan.net ilo wareed ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegaya in ninka falka waxshnimada ah u geystay Imaamka Masjidka Abuhurayra ee magaalada Gaalkacyo madaxa looga jiray balse waxaa ku socda baaritaano kala duwan.

Allaha caafiyee Imaamka waxaa loo diyaarinayaa Qaliin in lagu sameeyo waxaan caafimaad kiisa la tacaalaya Dhakhaatiirta Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Waqooyiga Gaalkacyo iyo magaalada Boosaaso ayaa waxaa dilal qorshaysan ay amniyaadka ururka Al-shabaab ku dileen haldoorka bulshada oo iskugu jira Aqoon yahano, Nabadoono iyo Ganacsato.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online