Kenya oo Qorshe hor leh la damacsan Imaamyada Kenya ku dhaqan

April 9, 2015 - Written by Editor

kenyaNairobi:-Supreme Council of Kenya Muslims (Supkem), ayaa talaadadii waxay soo saartay qorshe loogu magac daray “Barnaamij Deg-Deg ah” , kaasoo looga hortagayo sida ay sheegeen wax ay ugu yeeraan xagjirnimada ay abuurayaan Imaamyada iyo macalimiinta ku dhaqan dalka Kenya oo lagu eedeeyey marinhabaabiya ardada iyo musaliinta masaajidda si ay ugu diraan kooxda Al-shabaab, si looga joojiyo in dhalinta ku biirto Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee ururka Mr Adan Machu ayaa yidhi; Fal danbiyeedkan dhacay Gaarisa waxaanu uga jawaabaynaa si aad u adag.

” Waxaanu Imaamyada iyo kuwa wax wacdiyaba dul dhigi doonaa Ciqaabo adag, anagoo diiwaan gelin ku samaynayna masaajidda, madaarista, imaamyada, waacidiinta, iyo macaliminntaba, kuwaasi ha joogaan Waqooyiga bari, dhinaca xeebta, Niarobi iyo waddanka oo dhanba, si aanu uga saaro meesha kuwa dadka ku beeraya Alshabaabnimada.

Mr Adam oo hay’addiisu mas’uul ka tahay masaajidda iyo madarasooyinka waddanka Kenya ayaa tibaaxay in sharciga cusub uu tirtiro doono imaamyada iyo waacidiinta xunxun ee taageera Al-Shabaab , meeshana laga saari doono”

Talaadadii 7/4/2015, ayaa Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Prof Muigai sheegay ayadoo Telephone lagu wareeysanayo maadaama uu xafiiskiisu la kulmayay hogaamiyayaasha diinta,” Waxaanu doonaynaa inaanu samayno sharci edbiya maraakiista diinta ee loo isticmaalo marin-habaabibta; illaa haddana waxaanu kulan la yeelanay hogaamiyayaal badan oo doonaya inay ka qayb qaataan habsami u socodka sharcigan, kuwa kale ee diiddanna waxaanu u daynaynaa in uu sharcigu wakhtigiisa qaato oo sharcigu qabto”.

Supkem waxay sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto waacidiinta, macalimiinta quraanka ee waddanka oo dhan, ayagoo u maraya arintaa Golaha Imaamyada iyo Waacidiinta ee Kenya (CIPK), waxaan doonaynaa in aan ogaano waxay yihiin, waxay barayaan, wakhtigay barayaan, iyo meeshay ku barayaan.

Waxyaabaha Alshabaab soo jiita ayaa  Si guud in ay tahay madaarista sideedaba ma ay laha xeerar iyo sharciyo , manhaj ay raacaan, si kastaba, waxay tahay inay baraan Quraanka, farta Carabiga, iyo Siirada rasuulka scw; waxbarashadu inteeda badani waa dhinaca dhaqanka iyo tosnaanta, quranka uu ahaado mid ay carabi ku baraan ardayda, haddana, ma jiraan wax ka hortaagan inay baraan xag-jirninmada ayuu yiri Mr Adan Machu.

Usbuucii la soo dhaafay, hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari ee keenya waxay garawsadeen in dhibaatadii ka dhacday Garissa ee lagu laayay ardada jaamacada (142) iyo waardiyayaal (2)iyo askariba (2), ay ka mid ahaayeen dadka fuliyay dhalinyaro u dhalatay gobolka oo mid ka mid ahi wax ka bartay isla jaamacadda Kenya qaybta Nairobi layarnimo uuna dhalay qaadi reer Wajeer ah.

Sidaa daraadeed, hogaamiyayaasha siyaasadda ee gobolka oo uu hogaaminayo, hogaamiyaha la isku raacsan yahay ee baarlamaanka Kenya Mudane Xildhibaan Adan Ducale, guddoomiyayaasha gobolada Wajer, Garissa iyo Mandera , , waxay yidhaahdeen waxaanu abaabuli doonaa dadkanaga anagoo la shaqaynayna hay’adaha dawlada ee khusayso arintan, waxaanuna muddo todobaad ah ku soo bandhigi doonaa magacyada taageerayaasha iyo deeq bixiyayaasha Al-shabaab si loo xaqiijiyo in aysan u dhicin in cid daacad ah oo aan danbi lahayn si khaldan danbi loogu saaro. (Hadda waxaa u hartay afar cisho)

Halkan ka Akhri waregeysa Dailynation ee dalka Kenya oo qoray qorshe dowlada Kenya la damacsan tahay Imaamyada Kenya

Qoraalka kor ku xusan waa warbixin kooban aan ka soo tarjunay Wargeyska Daily Nation

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online