Ku-simaha R/Wasaaraha ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay oo ku jira Isbitaalka Turkiga ee Deva

April 15, 2015 - Written by Editor

unnamed-161Muqdisho:-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Batroolka & Macadanta Maxamed Mukhtaar Ibrahim, Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/laahi Bile Nuur iyo xubno kale oo kamid ah golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay weerarkii shalay ay kooxaha nabadiidka ku qaadeen xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, halkaas oo ay daganayeen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka & Macadanta.

Wasiirada ayaa booqday Isbitaalka Deva halkaas oo la geeyay inta badan dadka ay dhaawac yadu soo gaareen, waxana ay u rajeeyeen caafimaad, iyadoo xubnaha golaha Wasiirada ee isbitaalka booqday ay warbixin ka dhageysteen maamulka Isbitaalka Deva ee la tacaalaya dadka dhaawacyada qaba.

“Runtii arrintani waa fal argagax leh, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkana Insha allaahu wey ku naartegayaan. Shacabka Soomaaliyeed waa inay ciidamada Amniga ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qof dhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa Qatar, waase laga hortegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada Amnigu ay wada shaqeeyaan” ayuu yiri Wasirka Amniga Gudaha oo si gaar ah ugu mahadceliyay dhaqaatiirta Isbitaal Deva oo uu sheegay in shacab kan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali, ayaa eebe uga bariday caafimaad dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay gaartay, iyadoo tacsi u dirtay shacabkii iyo ciidamadii naftooda qaaliga ah ku weeyay falkii argagixiso, waxana ay sheegtay iney aad uga xun tahay wixii ka dhacay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo dhibaato badan ay kasoo gaartay dad aan waxba galabsan.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay mid ‘wuxushnimo’ kaasi argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku day goodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.

no images were found

—-DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online