Maamulka Machadka Al-furqan oo kulan Sanadle ah u qabtay Ardayda Al-furqan.[Masawiro]‏

April 10, 2015 - Written by Editor

1Laascaanood:-Galabnimadii Khamiista iyo habeenkeedii (Jimce) waxaa ka dhacay Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool kulamo is xig xigay oo aad u qiima badan oo ay ku kulmeen Culimada iyo ardayda Machadka Al-furqaan wax ka barta.

Kulamadaas oo ahaa kuwo ay Culimaduna ay ka jeediyeen kalmado qiimo badan ayaa ardayduna ay ku cabireen dareenkooda ku aadan kulanka iyo guud ahaan machadka. Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha Machadka Al-furqaan Sheekh Yuusuf Haybe Ibraahim isagoona sheegay ahmiyadda uu machadku u leeyahay guud ahaan dacwada gaar ahaanna deegaanadan , sidoo kale wuxuu ardayda ku booriyey inay ku dadaalaan cilimiga islmarkaana ay gaadhsiiyaan bulshada una sheegay ahmiyadda kulamada ay leeyihiin taas oo ah dhiirri galinta ardayda.

Waxaa iyana halkaasi ka kelmado ka soo jeediyey qaar ka mid ah macalimiinta machadka iyagoona ardayda kala hadlay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ah waxbarashadooda Ardayda oo iyana dareenkooda muujiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulmada noocan oo kale iyagoona u mahad celiyey maamulka Machadka iyo Macalimiintoodaba.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulan Sh Maxamed Sh Adam Wali oo ka mid ah macallimiinta ka hawl gasha machadka Al-frurqan , isagoo ardayda kala hadlay inay ilaaliyaan kana faa’iiday staan waqtiga iyo fursadooda dhalinyaranimo.

Dhinaca kale waxaa isla habeenimadii Jimcaha lagu qabtay machadka Alfurqan munaasabad ku saabsan isla kulankaa sanad laha ah , kaas oo ay ka soo qayb galeen ardayda dhigata subixii iyo habeenimadii, waxaa isna ka soo qayb galay Sh C/Naasir Xaaji Axmed .

Sh C/Naasir Xaaji Axmed oo soo gabagabeeyey munaasaban aya ardayda uga waramay waajibkooda ka saran Ummada iyo Diinta , iyo inay ka faa’iidaystaan waqtigooda.

no images were found

Hoos ka Daawo kulankii Ardayda iyo Maamulka Machadka Al-furqaan ee Laascaanood

Hoos ka Daawo Ardayda iyo Maamulka Machadka Al-furqaan ee Laascaanood

Axmed Saciid Bile
Xafiiska Machadka Alfurqaan
Laascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online