Madaahibta Ahlal Bayta Nebiga (CSW) W/Q Sh. Dr. Cabdiqani Xuseen Badar

April 4, 2015 - Written by Editor

maqaalMahad dhammaanteed Ilaahay baa iska leh, Naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Nebi Muxamed korkiisa.
1. Aala bayta Nebigu (SCW) ma shiicaa?
2. Ahlu baytku se mad-hab gaar ah ma leeyihiin?
3. Soomaalidu ma Ahlal bayt baa?.

Gogol dhig

Mahad dhammaanteed Ilaahay baa iska leh, Naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Nebi Muxamed korkiisa.

1) Qormadan iyadoo lix qaybood ah ayaan ku faafiyey akoonkayga Facebuugga, qaar ka mid ah walaalaha akhriyey ayaa ii soo jeediyey inaan ku faafiyo mareegaha kale si dad inta faceboogga ku xidhan ka badani uga faa’iidaysan karaan, taladaas anigoo tix gelinaya ayaan goostay inaan qoraalkan baahiyo.

2) Waa qormo iftiiminaysa durriyadda Ahlal baytka Nebiga SCW, meelaha ay degan yihiin iyo madaahibta ay haystaan.

3) Waxay ka jawaab celinaysaa waydiimooyin badan oo la xidhiidha, shiicada, ahlal baytka..

IGA TIRSO TOBAN ARIMOOD OO KORKA XAADIS AH,

1- Inkastoo aanan boqolkiiba boqol taariikh ahaan u sugi karin inaan Nebi Muxamed (SCW) inantiisii Faadimatu Zahraa ku abtirsado, haddana waxaan ku kalsoonahay inuu arinkaasi dhab yahay, markaan xoojiyayaal badan eego, inaan ku abtirsadana waan ka jecelahay inaan Afrikaan madow oo taariikhda waxaan adoonsi iyo hooseyn mooyee wax kale ku lahayn, ama Fircoonadii gaalnimadu la fogaatay aan sheegto, sida in badan oo qalin layda raad raaca isirada wax ka qoraa jecel yihiin. TAASI WAA KOW.

2- Jirtoo aadanaha oo dhammi ILMO NEBI yihiin, Nebi Aadanna (CS) ku wada abtirsadaan, hadana inaan Nebi Muxamed oo anbiyada ugu fadli iyo karaamo badan isir ahaan galaa, waxoogay magac ah waa la hubaa inaan aduunka kaga helayo, culays iyo masuuliyadina iga soo gaadhayso, hase yeeshee miisaanka xasanaadkayga wax ku kordhin mayso, waayo ajarka iyo xasanaadka waxa lagu kasbadaa camal aad ikhtiyaarkaaga iyo doonistaada ku sameysay, jinsiga lagaa abuuray, midabka aad leedahay, meesha aad ku dhalatay ama ku dhimatay waxba kuuma aha haddaanu iimaan iyo camal suubani ku badhi taarin oo kor kuu qaadin. TAASNA LABA DHEH.

3- Abuubakar boqolaal xadiis ayaa fadligiisa ku soo arooray, fadli waxa ugu filan inuu ahaa qofkuu rasuulku ragga ugu jeclaa, marka dumarka la sheegana wuxuu ugu jeclaa (Caa’isha bint Abiibakar oo Sawjadii Nebiga ahayd), waa saxaabiyaddii markay munaafiqiintu sharaf teeda wax ka sheegeen Ilaahay samada sare ka soo bari yeelay, kuwii aflagaadada abuurayna lacnad iyo cadaab u yaboohay, wuxuu Nebigu (N.N.K.H), doortay inuu dhabteeda ku dhinto oo naftu kaga baxdo, halkuu aabaheedna hore ugu doortay inuu rafiiqiisa hijrada noqdo, godka markay galeenna dhabtiisa madaxa saaro oo ku seexdo, Ilaahayna ku sheegay quraanka inuu saaxiibkii Nebigiisa ee godka la galay yahay, muhimmadii ugu mudnayd ee Nebi Muxamed hayeyna -imaamada Diinta/Salaadda- uu Abuubakar u dardaarmo, weliba isagoo weli nool amray inuu dadka tukiyo. Kuwuu Nebi Muxamed jeclaa annaguna Illaahay dartii baanu u jecelahay, Kuwa nacdalaya Caa’isha iyo Abuubakar kuwaa diin ma wadaagno, Illaahayna ha fogeeyo. TAASNA SADEX II DHEH.

4- Xuseen ibn Cali Ibn Abii Daalib oo hooyadina ahayd Faadimatu Zahraa Bint Muxamed (SCW) waxa janada uga markhaati kacay Nebi Muxamed (SCW) isaga iyo walaalkii Xasan ba, weliba Xasan waxa uu Nebigu ku sifeeyey Sayid, waxaanu yidhi: “inankaygaasi waa Sayid, Illaahayna wuxuu ku heshiisiin doonaa sababtiisa laba kooxood oo waaweyn oo muslimiin ah”.
Bushaaradaa rasuulkuna waxay dhabowday sodon sanno ka dib dhimashadii Nebiga (N.N.K.H), markii uu Xasan madaxweynanimada muslimiinta uga tanaasulay Mucaawiye Allah ha ka raali noqdo dhammaantoode, halkaasna uu ku soo afjarey isku haysadkii kursiga madaxtinimada ee dhiiga badani ku daatay.
Cali Ibn Abii Daalib, oo Xasan iyo Xuseen dhalay, labadoodaba wuu ka fadli badnaa, kursigan khilaafada muslimiinta ee inankiisu ka tanaasulayna wuu ku dagaalamay, waanu ka mudnaa Mucaawiye, dhammaantood may ahayn kuwo gefka iyo denbiga sida Nebiyada laga dhowray, wayse dadaalayeen, midna midka kale diinta kama saarin, Illaahayna wixii ka dhex dhacay inuu u dhaafo ayaanu ka rajeynaynaa,. TAASNA AFAR DHEH.

5- Xuseen Ibn Cali Ibn AbIi Daalib, dil kii loo geystay isaga iyo qoyskiisii wuxuu ahaa dil fool xun, oo meel ka dhac ku ah taariikhda muslimiinta, dagaalka lala galay ma ahayn mid ku dhisnaa neceybka Ahlu Beytka Nebi Muxamed (N.N.K.H), ee wuxuu ku bilaabmay loolan siyaasadeed iyo legdan kursi, waxaan rumaysnahay in Xuseen ka khayr badnaa kana fadli badnaa ninka ay kursiga isku hayeen ee Yaziid Ibn Mucaawiye, kamuuse mudnayn khilaafada, waayo muslimiintu waxay ogoladeen madaxnimada Yaziid, ka dib markuu Aabihii Mucaawiye iyo madaxdii dawladdiisu ka shaqeeyeen arintaas, iyagoo khilaaf iyo dagaal danbe oo soo noqda ka baqayey, dhowr saxaabi oo Xuseen iyo Cabdilahi Ibn Zubeir ugu horeeyaan mooyaane Ummadda inteedii kale arintaas way ogolaatay, waxay culimadu sugeen in rag Fitna wadayaal Reer Ciraaq ahi hodeen Xuseen RDC, uguna yeedheen inuu Ciraaq ugu yimaado, iyana ay u gargaari doonaan, iyagoo weliba hore ugu balan furay Aabihii Cali Ibn Abii Daalib, intuu jidka ku soo jiray ee ciraaq ku soo socdayna waxay garabkiisa ka baxeen adeerkii oo uu iska sii horeysiiyey, markale ayey reer ciraaq noqdeen kuwii loo adeegsaday dilka Xuseen Ibn Cali.

Rag badan oo saxaabada ka mid ahaa oo uu ku jiray Adeerkii Cabdillahi Ibn Cabbaas oo caalim wayn ahaa ayaa Xuseen uga digay cawaaqib xumada dagaalkaas uu u badheedhayo ee aan isu dheeliga tirnayn, iyo inaanu reer ciraaq balantooda aaminin.
Talooyinkaas oo dhan ma dhegaysan Xuseen RDC, ciidankii ka hor yimi ee la dagaalamayey badankoodu waxay jeclaayeen inay fidnada soo afjaraan, Xuseenna inay gacantooda ku dilaan waxay ka jeclaayeen inay iyagu seef tiisa ku baxaan, sidaa awgeed buu dagaalku wakhti dheer u qaatay, ilaa ugu danbeyntii mid aakhiro seeg ahi naar ku raadsaday dilka Xuseen oo gacanta ula tegay. Dilka saxaabigaas fadliga badani ma ahayn kii ugu horeeyey ee saxaabo kale oo ka fadli badan baa hore loo dilay, sida Cumar Ibn Khaddaab, Cismaan Ibn Cafaan iyo Cali ibn Abii Daalib – Illaahay dhammaantood ha ka raali noqdee-. TAASNA SHAN II DHEH.

6- In dilka Xuseen laga dhigto xus iyo maalin murugo oo ficillo xun xun oo is qalid, iska dhiijin iyo baroor diiq la sameeyaa waa hab dhaqan fool xun oo diin ahaan iyo dhaqan ahaan ba liita, siday u liidato in maalintii Nebi Muxamed (N.N.K.H) dhintay – sida la hubo – laga dhigto ciid farxadeed oo lagu magacaabo “Mawliid”, ogow culimada islaamku islama qirsana maalinta 12 Bisha Rabiic Alawwal inay tahay maalintuu Nebi Muxamed SCW dhashay, waxayse isku waafaqsan yihiin inay tahay maalintuu dhintay, ogsoonowna kuwa dabbaal degga mawliidka sameeyey inay yihiin shiico, sida kuwan baroordiiq da dhimashada Xuseen u sameystayba u yihiin shiico, labada arimood isla doono oo fahan. TAASNA LIX DHEH

7- Shiicadu waa madaahib kala gedisan, shiico bilowgii hore waxa lagu magacaabi jiray dadkii u hiiliyey Cali, “shiicadii Cali ( kuwii u hiilinayey Cali).
Ka dib waxay isu bedeshay madaahib caqiido oo aad u kala fog.
Shiicada waxa ka mid ah:
1) Kuwo aaminsan in Cali yahay Illaahay !, oo uu nool yahay, oo aanu dhiman. QALLADI IDINKU DHACDAY GAALNIMO BADANAA !.
2) Kuwo aaminsan in Cali Ibn Abii Daalib RDC, Nebi Muxamed nebinimada ka mudnaa, oo Malakul jibriil ku khaldamay Nebi Muxamed isagoo Nebinimada Cali loogu soo dhiibay!!.
3) Shiicada kuwooda fogaaday waxay gaalaysiiyaan dhammaan saxaabada marka laga reebo todoba keliya – saxaabadu waa kuwii Illaahay raali ahaan shihiisa ku sugay quraanka aynu ilaa maanta akhrino, sida aayadda 19aad ee suurat Alfatx-, kuwani waa kuwa maanta shiicada nool ugu tugta iyo tamarta roon.
4) Madaahibta shiicada waxa ugu sokeeya kuwa Yemen ee Zaydiyada la yidhaahdo, (Xawthiyiinta hadda qabsatay Yemen, Culimada Zaydiyadu way ka saareen Mad’habka Zaydiyada), kuwaa kore ee fogaaday ayey gacan u yihiin isku mad-habna yihiin waa Isnaa Cashariya qolada la yidhaahdo. TAASINA WAA TODOBA.

8- Imaamkii caalimka ahaa ee muslimiinta Ibn Xajar Alhaythami (979 H), kitaab kiisa qiimaha badan ee lagu magacaabo “الزواجر عن اقتراف الكبائر”, waxa uu ku sheegay isagoo ka soo guurinaya Taabicigii waynaa ee Caamir Ibn Sharaxbiil Ashacbi (103 H), hadal uu ku tilmaamayo arimo badan oo shiicadu kala mid tahay Yuhuudda iyo Kiristaanka, ka dibna wuxuu yidhi “laba arimood bay kaga liitaan yuhuuda iyo nasaarada:
1- Haddaad Yuhuudda iyo kiristaanka waydiiso: “Waar diintiina yaa ugu KHAYR badan?, waxay ku odhanayaan: Asxaabtii Nebi Muuse CS, haddaad Nasaarada waydiisana waxay ku odhanayaan: Asxaabtii Nebi Ciise CS, laakiin shiicada haddaad tidhaahdo yaa ugu SHAR badan diintiina?, waxay ku odhanayaan: Asxaabtii Nebi Muxamed (N.N.K.H)-!!!
2- Yuhuudda iyo kiristaanku kuwoodii hore ee nebiyadooda u soo hiiliyey way u denbi dhaaf dalbaan, hase yeeshee shiicadu kuwii Nebi Mohamed u hiiliyey way nacdalaan”!. TAASNA SIDEED IGA DHEH

9- AHLUL BAYTKU WAA AYO?, SHIICADU MA AHLU BAYT BAA?, OO HADDAA YAA AHLUL BAYT AH MAANTA?.
Aayadaha iyo Axaadiista tilmaantay Ahlu beytka Nebi Muxamed sadex magac ayey u adeegsadeen :
1) Ahlal Bayt – sida Aayadda suuratal Asxaab tilmaantay.
2) Aalu Muxamed/Aalu nebi – sida aynu attixiyaadkaba u akhrino oo kale.
3) Citratii – sida axaadiista saxiixa ah ku soo aroortay.

Yaa looga jeedaa Ahlal Bayt?.
Tafaasiir badan ayey culimadu ka bixiyaan, waxaanay u kala baxaan dhinacyo kala fog iyo qolo dhexdhexaad ah.
– Qolo Aalu baytka macnihiisa gudo wayn u yeeshay oo soo hoos gelisay cid kasta oo Nebiga rumaysay ilaa qiyaamaha, sida uu soo guuriyey Ibn Cabdilbar.
– Qolo soo cidhiidhiday oo qaraabada Nebiga qayb ka mid ah ku koobta Ahlal baytkaba.
Qolada hore ee Ibn Cabdibar uu tilmaamay waxa isna ra’yigooda si wayn ugu hiiliyey Nashwaan Alximyari sida uu ku sheegay kitaab uu leeyahay oo la yidhaahdo: “Shamsal Culuum”, beydadkan gabayga ahna wuxuu ku xoojiyey aragtidaas:

آلِ النبيّ هم أتباع ملته **** من الأعاجم والسودان والعرب
لو لم يكن آله إلا قرابته **** صلى المصلي على الطاغي أبي لهب.

Sidaynu tilmaanay ra’yigaa dhinaciisa kale ee fog waxa taagnaa qolo ku soo koobtay Ahlul baytka qoyska Cali ibna Abii Daalib ( Cali, Faadima, Xasan iyo Xuseen)
Qolada ra’yigan ku tegay oo uu xoojinayo Al Amiir Asancaani, waxay daliishanayaan xadiis Ummu Salama warinayso, oo ay ku tidhi “Aayadda suuratul Axsaab ee 33aad, gurigayga ayey ku soo degtay, gurigana waxa joogay: Faadima, Cali, Xasan Iyo xuseen, markaasuu Nebigu – SCW- intuu go’ iisii ku deday yidhi: “Ilaahayow kuwan baa ahlu baytkaygii ah ee xumaanta ka tir oo dahiri”.
Imam Assancaani isagoo sheekhaas kore ee Nashwaan Alximyari u jawaab celinaya ayuu yidhi:

إن الصلاة من الرحمن واجبة **** للآل من آمنوا بالله والكتب
فإن ترى الشرط مفقوداً فلست ترى*** *الإلزام يلزم بالطاغي ابي لهب
لقد تجاهلت شرطا للصلاة وما*** جهلت إذ أنت بحر العلم والأدب
Intaas hadaad weelaysatay akhristow ogow in ahlu baytnimadu nasab tahay marka hore, mar labaadna nasabkaasi wuxuu fadli leeyahay ay ku toosnaanta diinta iyo sunnadda Nebigu asal u tahay. TAASNA SAGAAL IIGU QOR SXB

10- SHIICADU MA AHLU BAYT BAA NASAB AHAAN?
ahlu baytku se mad-hab gaar ah ma leeyihiin?
Haddaynu qaadano aragtida Ahlal baytka Nebiga ku soo koobaysa Xasan iyo Xuseen oo ah Ilma Cali Ibn Abii Daalib, hooyadoodna tahay Faadima bint Rasuulilaah (SCW) – sidaynu hore u soo xusnay- bal aynu is waydiino yaa ku abtirsada labadaa saxaabi ee khayrka badan, maxayse madaahibtooda fiqhi iyo caqiido tahay dadkaas, iyo weliba xagee bay ku nool yihiin?.
Caalimka wayn ee Muxamed Ibn Ismaaciil Al-Amiir Assancaani (1182 H), oo su’aalahan oo kale la waydiiyey, ayaa u gaar yeelay jawaabahooda risaalo aad u qiimo badan oo uu ku magacaabaay: (مسائل علمية), waxaan isku taxaluujinayaa inaan jawaabihiisa soo ururiyo, waxa uu yidhi: Shaki kuma jiro in Ahlal baytku yihiin durriyaddii Xasan iyo Xuseen, sidoo kale waxa hubaal ah inay sadex nin oo keliya ka tageen.
Xasan waxa uu ka tegay:
1) Zayd Ibn Xasan iyo
2) Xasan Ibn Xasan.

Halka Xuseen Ibn Cali Ibn Abii Daalib ay durriyadiisa oo dhammi ka tafiirantay Cali (Zayn Alcaabidiin)” Ibn Xuseen Ibn Cali Ibn Abii Daalib.

Zayd ibn Xasan Ibn Cali Ibn Abii Daalib waxa ka tafiirmay durriyad aad u balaadhan, waxa ka mid ah Xasan ibn Zayd Ibn Muxamed iyo walaalkii Muxamed Ibn Zayd Ibn Muxamed, waxay xumuki jireen Dabristaan (waqooyiga Iiraan), laga bilaabo sanadihii 250 H, durriyad aad u balaadhan ayey ka tageen oo bulshooyinkaas ku dhex faafsan.

Duriyadda Zayd Ibn Xasan Ibn Cali waxa ka mid ahaa kuwo Yemen degay, sida Abul Fatx Addaylami oo uu ninkii Suleyxi la odhan jirey ee wakhtigaas Yemen Xukumayey ku dilay Radmaan, welina durriyadii Abul Fatx waxay degaan tuulada Qaabil, waxaana la yidhaadaa Banuu Daylam (waxa ka mid ahaa culimadaydii Jaamicadda Sh. Dr. Cabdiwahaab Ibn Ludf Addaylami oo ahaa wasiirkii hore ee caddaaladda ee Yemen dhamaadkii sagaashameeyadii).
Sidoo kale durriyadda Abul Fatx waxa ka mid ahaa caalimkii waynaa ee Zayd Ibn Xasan Annaasir (Aladrush), oo isaguna durriyad aad u balaadhan Yemen kaga tegay.
Dhinaca kale Xasan Ibn Xasan Ibn Cali waxa ka hadhay duriyad wanaagsan oo aad u badan, dhammaantood waxay ku abtirsadaan Cabdulahi ibn Xasan Ibn Xasan Ibn Cali, waxaanay ahaayeen shan wiil:
1) Muxamed Ibn Cabdilahi Ibn Xasan (Annafs Azzakiya), duriyadiisu waxay ku tarmeen Sand iyo Kaabul (waa jamhuuriyadahaas muslimiinta ah ee midowga Sovietka ka tirsanaan jiray) waana bulsho aad u balaadhan.
2) Ibraahim Ibn Cabdulahi Ibn Xasan, waxa u kacay toban wiil, kuwaasoo dhulal kala durugsan ku tarmay oo degay, sida Masar iyo meelo kaleba.
3) Idriis Ibn Cabdulahi Ibn Xasan, waxa uu ka baxsaday jeelkii Haaruun Arrashiid isagoo baxsadkii ku galay Afrikada waqooyi, halkaas oo markiiba lagu wareejiyey madaxnimadii Maqrib (Marocco) oo ay ilaa maanta (2015) ka yihiin boqorro, waana durriyad balaadhan.
4) Yaxya Ibn Cabdulahi . Sidoo kale waxa uu ka baxsaday xabsigii Haaruun Arrashiid waxaana la tilmaamaa in ciqaabtii Baraakimada ku dhacday ay ka dhalatay baxsadkiisaas.
5) Muusa Aljuun Ibn Cabdulahi, wuxuu ka tegay durriyadda ugu balaadhan Ahlal baytka waxay ku dhaqan yihiin Hindiya, Khurasan, Ciraaq, Yemen, Soomaaliya ilaa Yurub iyo dhul badan oo kale.
Intaasi waa durriyaddii Xasan Ibn Cali.

Sidaynu hore u soo xusnay durriyadda Cali Ibn Abii Daalib ee Faadima Bint Muxamed (SCW) ka tafiirmay waxay ahaayeen durriyadda Xasan iyo Xuseen, Xasan waynu soo aragnay.
Xuseen Ibn Cali, dhammaan durriyaddiisu waxay ka tafiirmeen Cali Ibn Xuseen (Zaynal Caabidiin), durriyad aad u balaadhan oo wanaagsan buu ka tegay waxay ku faafeen aduunka oo dhan sida dhulka Romanska, sidoo kale waxa ka mid ah bulshada reer Xadra-mout, Yemen ee loo yaqaano Calawiyiinta, kuwaasoo sidoo kale u gudbay soomaaliya oo degay.
Ahlal baytka waxa ka mid ah kuwo weli la yaqaano nasabkooda, kuwo lagu muransan yahay iyo weliba kuwo kale oo duruufihii qalafsanaa ee ay soo mareen awgood iyo is qarintii ay ku jireen muddada dheer nasabkoodii lumiyey oon dadka laga aqoon, carab iyo cajam intaba way leeyihiin, in badan oo bulshooyinka caalamka ka mid ahna waa ku dhex milmeen oo ka mid noqdeen.
Waxa laga yaabaa dadku inay is waydiiyaan Ahlul baytka maxaa filqay oo fitir faatir u tuuray oo meel walba geeyey? – ma moodaa in sida soomaalida dictator iyo qabqablayaal dagaal ku dhex dhaceen oo sida midho la saydhay ay meel walba ka dhaceen ama shadar madar ku dhacay sidii reer Saba oo kale?!
Intaas ba wax ka daran baa qabsaday, oo boqolaal sano ayaa la ugaadhsanayey.
Haddaad akhrido taariikhda Islaamka ee siyaasiga ah waxa kuu soo baxaya laga soo bilaabo loolankii khilaafada ee u dhexeeyey Bani Ummaya iyo Aala baytka, loolankaasoo bilowgiisii lagu dilay Xuseen Ibn Cali ibn Abii Daalib Sanadkii 61aad ee Hijrada, socdayna ilaa burburkii khilaafadii cabbaasiyiinta oo ku beegnayd 656 ee Hijrada, in durriyadda Cali Ibn Abi Daalib oo u taagnayd Aala baytka ay ku jireen loolan siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn, iyagoo dhibta ugu badan kala kulmay khilaafadii cabbaasiyiinta oo ahaa ilmaadeeradood, (waxay ku abtirsadaan Cabbaas Ibn Cabdimudalib oo Rasuulka adeerkii ahaa), xukunkana waxay ku gaadheen magaca Aala baytka.
Loolankaasi kolba weji ayuu yeelanayey, meelo kala fogna marba madaxuu kala soo kacayey, iyagoo doonayey inay khilaafada muslimiinta gacanta ku dhigaan, arintaas ayaa sabab u ahayd geediga joogtada ah iyo filqanka Ahlal baytka ku dhacay).
Haddaad intaas garato ogow: in Ahlul baytka aan tiro lagu koobi karin, gobol dunida ka mid ahna aanay ka madhnayn, waa muunadda iyo labeenta deegaan kasta, waxay la muctaqad iyo madaahib yihiin bulshooyinkaas ay ka tirsan yihiin,
Qayb ka mid ah Ahlal Baytka Ciraaq, Yemen, Iiran iyo Lubnaan ayaa Shiico ah, kuwaasina marka guud ahaan inta Ahlal Sunnaha ah la barbar dhigo waa tiro aad u yar, sidaa darteed in la yidhaahdo shiicadu waa Ahlal bayt ama Ahlal baytku waa shiico waa war xaqa iyo xaqiiqada ka leexsan, kana turjumaya been abuurka iyo marin habaabinta dhaqanka shiicada ee lunsan, inay tiro yar oo Ahlal baytka ka mid ahi shiico yihiin shiicanimada kama baajinayso inuu yahay mad-hab baadi ah, oo nahjigii Nebi Muxamed SCW iyo hadyigiisii ka fog oo la colaatamaya.
Ahlal Baytka muslimiinta Asia ku dhex jira, sida India, Pakistan, Bangaladesh, Indonesia iyo dhulalkaas ku dhowdhow intooda badani waa Xanafiya, Ahla Sunna ah, kuwa Suuriya,Falastiin iyo Jordan ku nooli waa shaaficiya iyo Xanafiya, kuwa Masar waa shaaficiya.
Kuwa Suudaan, Marocco, Algeria iyo guud ahaan waqooyiga Afrika ku nooli waa Maalikiya, kuwa koonfurta Yemen /Xadramuut degani iyo kuwa Soomaaliya dhammaantood waa Shaaficiyo, kuwa khaliijka badan koodu waa Xanaabilo Ahla Sunna ah. TAASINA WAA TOBAN
Intaas waxa igaga dhan tobankii qodob ee aan akhriste kugula balamay inaad iga tirsato, تلك عشرة كاملة.
MAHADSANIDIN, MAHADINTA ILAAHAY KA GADAAL.

Sh. Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder)
Email: cabdiqani2@hotmail.com
Facebook: abdulqanibedercenter

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online