Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo Shirja,raaid ku qabtay Garoowe (Dhageyso)

April 28, 2015 - Written by Editor

shirjaraa,idGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Sh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa waxaa la hadlay saxaafada wuxuuna ka warbixiyey ujeeda socdaalkiisa wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan .

Madaxweynayaasha dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah shirjaraa,id ugu qabtay xarunta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe waxayna ka hadleen xaalada Soomaaliya ,wadatshi laga  sameyn doono Higsiga 2016 iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland aya waxaa birito ka furmi doona wejiga labaad ee shirka DFS  iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu ku booriyey Puntland dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isaga ku tilmaamay Al-Shabaab urur u taagan xasuuqa umada Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ay ku jiraan maalmihii u danbeeyey iyaga ku soo koobay dagaalkooda gumaadka shacabka rayidka ah iyaga qaraxyo la beegsada  hotelada ,iskuulada iyo Maqaaxiyadaha .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay garab ku siin doonaan Puntland wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka .

Madaxweynaha DFS ayaa dhanka kale eedeeyey kooxda xuutiyiinta oo xukunka xoog ku maroorsaday wuxuuna sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada ku dhacaday shacabka Yemen iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku dhiban Yemen wuxuuna si cad u sheegay in DFS ay wado Gurmad loo sameynayo qaxootiga Soomaalida ku harsan dalka Yemen.

Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Putland oo Shirja,raaid ku qabtay Garoowe

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/kedgxblrku/shir.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online