Madaxweynaha DFS oo kala hadlay Hiigsiga 2016 Danjire Maman Sidikou (Masawiro)

April 6, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou. Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wadahadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016, iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladda, baarlamanka , qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaa raaciyey in rajada la qabo ay tahay in sannadka dambe ay qeybo ballaaran oo bulshada ka mid ah ay cod ku yeeshaan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

no images were found

Danjire Sidikou ayaa isna soo dhoweeyay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ku tallaabsatey, isagoo dhanka kalena ka hadley doorka AMISOM ee hawlaha nabad ilaalinta, taageerada ciidammada Soomaaliya iyo in beesha caalamka ay gacan buuxda ka geysato dib u dhiska Soomaaliya.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online