Madaxweynaha DFS oo maanta la filayo in uu gaaro degmada Cadaado

April 14, 2015 - Written by Editor

dfs1Cadaado:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa la filayaa saaka in uu gaaro magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb,halkaas oo uu ka soconayo qaban qaabada Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Cadaado ugu si horeeyey wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Odawaa wafidga ayaa intii uu ku suganaa degmada Cadaado waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay masuuliyiinta maamulka Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo odayaasha dhaqan.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee degmada Cadaado ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ilaa intii loo doortay xilka Madaxweynaha DFS.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu gaaro degmada Cadaado waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxda Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo waxgaradka degmada Cadaado iyadoo laga wada hadli doono arrimo dhowr ah oo uu madmadow uu ku jiro iyo cabashooyin ka yimid madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in degmada Cadaado uu ka furmo shirkii maamul u samaynta Gobollada dhexe oo in mudo ah ay qaban qaabadiisu ay ka socotay degmada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online