Madaxweynaha DFS Oo Shacabka Turkiga Kala Qaybgalay Xuska Maalin Qaran

April 24, 2015 - Written by Editor

5Istanbul:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Istanbul, madaxda caalamka qaarkood kagala qeybgaley xuska sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtey dagaalkii Turkiga, waagii Boqortooyada Cusmaaniyiinta uu la galey quwadihii ka soo horjeeday dagaalkii 1aad ee Dunida.

Xuskan ayaa waxaa barbar socdey shir madaxeed gaar ah oo lagu dhiirigelinayo nabadgelyada caalamka.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa kulanka ka jeediyay khudbado la xiriira taariikhdii dagaalkii 1aad ee Dunida iyo sida caalamka looga dhalin lahaa nabad waarta.

Waxay madaxdan ka hadleen muhimadda adkeynta nabadgelyada caalamka, iyo in si wadajir ah loogu guntado in laga hortago colaadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii munaasabadda ay socotey kulamo kooban la yeeshay madaxda caalamka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

no images were found

Waxaa kale oo munaasabadda ka hadley khubarro caalami ah oo ku takhasusey taariikhda caalamka, kuwaas oo ka warbixiyey sababihii dhaliyey dagaalkii 1aad ee Dunida, iyo khataraha weli caqabadda ku ah nabadgelyada caalamka.

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online