Madaxweynaha DFS oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

April 11, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah furey toddobaadka dhir beerista qaranka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo loogu diyaar-garoobayo maalinta dhirta oo ku beegan 17-ka April, ayaa Madaxweynaha waxaa uu taallada Daljirka Daahsoon ku beeray geed dhireed, isagoo isla markaana halkaasi khudbad kooban u jeediyey ururrada bulshada, ardeyda iyo dadweyne fara badan oo halkaa isugu yimid.

‘’Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in degaanka la dhowro. Waxaa dowladdu ay waddaa barnaamij ballaaran oo degaanka wax looga qabanayo, kaas oo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey shacabka in munaasabaddan awgeed ay geedo badan beeraan, iyagoo ka fikiraya mustaqbalka jiilka soo socda ee Soomaaliyeed.

no images were found

Munaabaddaasi waxaa kale oo ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online