Madaxweynaha DFS Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

April 23, 2015 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah. Falkan ay ku kacdey kooxdan argagixisada ah waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkani waa burcadnimo la huwiyey magaca aydoloojiyad aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu ay tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada; waa bahalo quuta dhiigga wiilasheena iyo gabdhaheena,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa sidoo kale uu sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa. Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeelo uu ka soo gaarey falal argagixisonimo, ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.

“Soomaaliya waxay balanqaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta waddamada Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabbaad ka dhigtaan waddanka. Waxaan u taaganahay inaan waddamada Afrika kala shaqeyno baahida sugidda amniga. Waxaan garab taaganahay mabaadii’da caalamiga ah ee dhowrista xoriyadda, in laga hortago tacaddiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online