Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo ka Hadlay Weerarkii Garissa.[Dhagayso]

April 5, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii ay ku dhinteen 148 ee ay dabley ka tirsan al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay ajandaha al-Shabaab u yahay inay kala qeybiyaan muslimiinta iyo masiixiyiinta, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladdiisa lala socodsiiyay isagoo in nin ka mid ah dableyda uu dhalay sarkaal Kenya ka tirsan isla markaana ay baadhis arrintaasi imika ku socoto.

Madaxweyne Xasan ayaa beeniyay hadallo ka soo yeeray qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha bulshada ee Waqooyi-Bari Kenya oo ay ku sheegeen in xeryahah qaxootiga lagu xiriirinayo qul-qulatooyinka Kenya, isagoo sheegay inaanay jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya xeryahah qaxootiga iyo argagixisida.

Madaxweyne Xasan ayaa wareysi gaar ah oo VOA siiyay wuxuu ku sheegay in qorshe ay dowladda Kenya ay ku doonayso inay gidaar uga dhisto xadka Kenya iyo Somalia aanu ahayn mid celin kara cadaawadda iyo fikirka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay leedahay istiraatiijiyo ku aadan xubnaha ka soo noqonaya mabda’a  al-Shabab ee doonaya inay dowladda ku soo biiraan, kuwaasoo uu sheegay inay ka faaideysteen laba cafis oo dowladdu u fidisay. Madaxweynaha wuxuu sheegay in ciddii al-Shabab ka tirsan ee doonaysa inay diidaan fikirka al-Shabab ay dowladdiisu soo dhaweynaso, balse kuwa wata fikirka “Takriifiga” aysan la hadli dooni.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online