Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe[Masawiro]

April 28, 2015 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud  iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 28-4-2015 si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxweynaha dowladda Soomaliya ayaa waxaa ka qeyb qaatay madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas , madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay , Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ,Wasiiro, Xildhibaano ,Haween , Dhalinyaro , Arday , kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta iyo dad weyne aad u fara  badan, kuwaasi oo diyaar garoow xooggan ugu jirey soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayey.

Cutubyo katirsan ciidanka dawladda Puntland iyo kooxda baambeyda Puntland ayaa waxa ay salaan Sharaf wadajir ah siiyeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Soo dhaweyn ka dib ayaa Madaxweynaha iyo wefdigii uu hoggaaminayey waxa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweyne Dr. Gaas iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa Sharaf weyn noo ah inuu booqasho noogu yimaaddo madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud farxad bay nootahay inuu noo yimaado madaxweynuhu waa markii labaad uu Puntland soo booqdo waana soo dhoweynaynaa xukuumad ahaan , shacab ahaan iyo dawlad ahaanba” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale iftiimiyey in Soomaaliya maanta ay marayso meel aad u adag una baahan tahay wada tashi in laga sameeyo sidii meeshaas looga qaadi lahaa, loona geyn lahaa halka ay istaahisho.

“Madaxweynuhu wuxuu u yimi in wada tashi laga suubiyo geeddi socodka nabadda soomaaliyeed maadaama waqtiga aan kujirno iyo marxaladda aan marayno loobaahanyahay in lays arko lana wada tashado, in soomaaliya qarannimadeedii, midnimadeedii iyo dawlad-nimadeedii ladoonayo in lasii amba qaado, soomaaliya meesha ay joogto laga qaado meesha ay istaahishana dhammaanteen aan u guntanno inaan geyno” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Insha allah waxaan rajeynayaa in wada hadalkeena iyo wada joogitaankeenuba inuu isu soo dhowaansho , midnimo iyo wada jir uu horseedi doono booqashada madaxweynuhuna ay ku dhammaan doonto guul , horumar iyo soomaali oo isu timaadda” ayuu hadalkiisii kusoo afmeeray Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha iyo shacabka reer Puntland uga mahadceliyey soo dhaweyntii aadka u ballaadhnayd ee ay maanta ugu sameeyeen Caasimadda Puntland ee Garoowe.

“Madaxweyne Cabdiweli, Xukuumaddiisa iyo shacbiweynaha reer puntland aadaan uga mahad naqayaa sida ballaarane ay iisoo dhoweeyeen , Puntland waxaan u imaanay door weyn lagaranayo dadka soomaaliyeed oo dhammi garanayaan ayay Puntland ku leedahay dawlad dhisidda soomaaliya,dalkiina waad aragtaanoo waxaa kasocda dawlad dhisiddii, annaga waxaa na quseeyaahi waa dawlad soomaaliyeed oo dalkoo dhan dawlad u ah oo dadka soomaaliyeedna ay wada leeyihiin meelkastoo ay joogto wadana metesha danaha soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan dhismeheedii waaye,waxaa waajibaadkeeda nala saaray waxaana rabnaa dawladdaasi inay ku dhisanto wadatashi iyo wada raali ahaansho dadka soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online