Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub (Masawiro)

April 1, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-4-2015 u magacaabay Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland.

Magacaabis kadib ayaa Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe oo uu madaxweynuhu ku badalay wasiir ku xigeenka hore ee wasaaraddaasi Cabdirashiid Gani Cali Shire lagu dhaariyey xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Gaas ayaa xilkaan wasiir ku xigeen umagacaabay Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe markii uu arkay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, waxaana uu haystaa shahaadada darajada koowaad ee jaamacadeed, waana aqoonyahan reer Puntland ah ahna dhakhtar muddo shan iyo labaatan sano ku dhow shaqaynayey kana howlgalay dalka gudihiisa iyo dibadiisa gaar ahaan dalalka Soomaaliya ,England iyo UAE .

Shiikh Xassan Cabdi Cilmi oo ah Xubin katirsan Maxkamada sare ee Dawladda Puntland ayaa wasiirk ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland Dr.Cabdillaahi ku dhaariyey xafiiska Madaxweynaha.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka cusub ugu hambalyeeyey xilka uu u magacaabay, waxaana uu kula dardaarmay in sida dastuurku uu farayo u guto waajibaadka shaqo ee loo idmaday.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online