Madaxweynaha Puntland Ra’iisul wasaare Cumar waxaa uu nala joogaa dhowr cisho.[Masawiro +Cod]

April 10, 2015 - Written by Editor

IMG_4480Garoowe:-Ra’iisul-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-4-2015 si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo Madaxda Dawladda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta raysal-wasaaraha dalka Soomaliya waxaa ka qeyb qaatey madaxweynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas , madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay , Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ,Wasiiro, Xildhibaano ,Haween , Dhalinyaro iyo Dadweyne aad u badnaa ku waasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta raysal-wasaaraha iyo wefdiga uu hogaaminayey.

Cutubyo ka tirsan ciidanka dawladda Puntland iyo kooxda baambeyda Puntland ayaa waxa ay salaan Sharaf wadajir ah siiyeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Soo dhaweyn ka dib ayaa raysal-wasaaraha iyo wefdigaba loo soo gudbiyey aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi Shir jaraa’id kuwada qabtey Madaxweyne Gaas iyo raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid.

”Waxaa Sharaf weyn noo ah in Puntland gaar ahaan Caasimadda Garoowe nagu soo booqdo Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo weftiga uu hogaaminayo oo ka kooban xukuumadda iyo baarlamaanka ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

”Raysal Wasaare Soo dhawoow Garoowe waa dalkaagi,waa dadkaagi way ku soo dhaweynayaan aad beyna shacabku kuugu faraxsan yahiin inaad noo timaado ”Ayuu yiri Madaxaweyne Gaas .

Madaxweyne Gaas ayaa qeexay in Soomaaliya maanta ay marayso meel aad u adag una baahan wada tashi in laga sameeyo sidii meeshaas looga qaadi lahaa, loona geyn lahaa halka ay istaahisho Soomaaliya oo uu burbur lixaadleh soo gaaray xiligii dagaaladi sokeeye.

” Wefdigu muddo dhowr cisho ah ayey nala joogi doonaa, waxbadan oo ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaanu kawada hadli doonaa, cumarna waa markii ugu horaysay oo uu Garoowe yimaado isaga oo raysal-wasaare ah ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa madaxweynaha iyo shacabka reer Puntland uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay maanta ugu sameeyen magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

” Waan bogaadinayaa runtii sida Puntland ay ugu dadaashay xasiloonideeda, amaanka iyo nabad-gelyada kajirta, halkaana waxaanu unimi inaanu wadatashi samayno ” ayuu yiri raysal-wasaaraha dalka soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

no images were found

-DHAMMAAD-

Hoos ka Dhageyso Shirka Jara,id oo ay Garowe ku wada qabteen Madaxweynaha Puntland iyo Raisulwasaare Sharmaarke

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/zejhrz6u9z/GaasyoCumar_1_.mp3]

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online