Madaxweyne Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka Itoobiya.[Masawiro]

April 16, 2015 - Written by Editor

2Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-4-2014 u dhoofay Dalka Ethopia gaar ahaan magaalada Adis-ababa.Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasirro iyo saraakil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe ku sagootiyey madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdi xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Ethopia u aaday sidii uu uga qeyb-geli lahaa kulan loogu magac daray Tana Forum kaa soo sanad walba la qabto loogana hadlo qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa . ” Xoojinta ganacsiga iyo Amniga labada dal ayaan sidookale kawada hadlaynaa madaxda dalka Ethopia, guul iyo kheyr baana rajaynayaa Puntland nabad-gelyo iyo horumar ayaana u rajaynayaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha kooban ee ay ku sugan yahiin dalka Ethopia kulamo la qaadan doona madaxda dalkaasi kadibna waxaa ay dib ugu soo laaban doonaan dalka hadii Alle Idmo.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online