Madaxweyne Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayey oo gaaray magaalada Bahar- Daar ee Dalka Ethiopia

April 18, 2015 - Written by Editor

6Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii hore ee maanta kullan kula qaatay dalka Ethiopia Madaxweynaha jaamacadda shaqaalaha Rayidka ah ee dalka Ethiopia Dr, Haile-Michael Aberra iyo ku xigeenkiisa, waxaana ay ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa tayeynta shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Puntland, maadama uu tiirkaasi kamid yahay tiirarka dib u habaynta Puntland .

Madaxweyne Gaas ayaa madaxda jaamacadda iyo Dawladda Ethopia uga mahadceliyey taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee dawladda Puntland ka hesho dawladda Ethopia oo xariir walaalnimo kala dhaxeeyo, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa ka codasaday in ay sii laba jibaaran bixinta deeqahaasi.

Jaamacadda shaqaalaha Rayidka ah ee dalka Ethiopia ayaa waxaa hada tababaro ku qaata dufcadii koowaad ee shaqaalaha dawlada Puntland oo kororsi aqooneed u jooga dalkaasi Ethopia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayey ayaa isla maanta gelinkii danbe u ambabaxay magaalada Bahar- Daar oo ay uga qeyb-gelidoonaan shir caalami ah oo sanadle ah, waxaana halkaasi markii ay gaareen si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawladda Ethiopia, dadweyne ku labisanaa dharka hidaha iyo dhaqanka dalka Ethiopia iyo masuuliyiin kale.

Shirka Tana Forum oo ay Puntland u heshay in ay ka qeyb-gasho ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynayaasha wadamada afrika, shirkaas oo ah shir sanadle ah oo dawlada Ethiopia martigeliso sanadkasta, waxaana looga hadli doonaa amniga geeska afrika iyo qodobo kale oo muhiim ah .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online