Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ku soo bandhigaysay qorashayaasha horumarineed ee ay Puntland ka fuliso.[Masawiro]

April 13, 2015 - Written by Editor

IMG_6939Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-4-2015 hoolka jaamacadda PSU ee Garoowe kaga qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ku soo bandhigaysay qorashayaasha horumarineed ee ay Puntland ka fulisay sanadkii 2014 iyo mashaariicda ay rabaan in sanadkaan ka hirgeliyaan guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.

Barnaamijka waxaa sidookale ka qey-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP iyo masuuliyiin kale oo madasha u yimi sidii ay wax badan uga ogaan lahaayen waxqabadka hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa soo bandhigtay qorshayaasheeda horumarineed ee ay sanadkii hore ka hirgeliyeen guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana su’aalo dhowr ah ka weydiiyey soo bandhigid kadib Wasiiradii iyo masuuliyiinti kale ee ka qeyb-galay kullanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muhiimadda uu barnaamijku leeyahay ku tilmaamay inay tahay inaan shacabka reer Puntland loo tilmaamin waxa loo qabanayo balse iyagu ay soo gudbistaan baahida ay qabaan iyo waxa ay rabaan in loo qabto.

” Sababtu waxaa weeye dhaqaalaha ay hay’aduhu helaan waa dhaqaale dalka Soomaaliya loogu talagalay, waana dhaqaale ay soo bixiyaan dadka canshuur bixiyayaasha ee wadamada dhaqaalaha bixiya dadkoodu ay soo bixiyaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Yeysan idinka hoos bixin inay muhiim tahay  in mar walba laga turjumo baahida dhabta ah ee shacabka reer Puntland ay leeyihiin, loona gudbiyo hay’addaha  waxa anagu aanu rabno iyo waxa ay siyaasadda dawladu ay tahay in wax lagu sameeyo, dhaqaalaha labixinayana cidna magan ugama tihiin waa dhaqalihii dalka loogu talagalay ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa madaxda hay’addaha dawladda Puntland kula dardaarmay hadii ay arkaan in la soo bandhigo wax aan dadka iyo dalka Puntland dan ugu jirin inay joojiyaan islamarkaana cida soo bandhigtay u sheegaan inaan waxaan dan ugu jirin shacabka reer Puntland.

Mashaariicda hay’adda UNDP ay ka fuliso Puntland ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu ka duwanaado sanadihii hore islamarkaana adeegyadooda ay gaarsiiyaan dhulka ka baxsan laamiga , maadama uu Madaxweynuhu ku amray madaxda hay’addaha inay laamiga ka dagaan oo adeegyadooda si siman Gobolada Puntland u gaarsiiyaan.

La xisaabtanka Dawladda ee hay’adda UNDP waxay ku timid balanqaadkii Madaxweyne Gaas ee ahaa in uu la xisaabtan dhab ah la yeelanayo dhammaan hay’addaha Dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Puntland, waxaana halkaas ka cad in uu fulay balan qaadkaas.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online