Madaxweyne Gaas oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dawladda Australia Mr. John Feakes iyo wefdi uu hogaaminayey.[Masawiro]

April 8, 2015 - Written by Editor

IMG_3991Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 8-4-2015 aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefdi uu hogaaminayey safiirka Dawladda Australia Mr. John Feakes, qeybna uu ka ahaa madaxa hay’adda UNODC ee Soomaaliya Mr. Alen Cole.

Wefdiga uu hogaaminayey safiirka cusub ee dawladda Australia Mr. John Fakes waxaa sidookale kamid ahaa saraakil sare oo ka socday safaaradaha dalalka Netherlands Ingiriiska, Denmark iyo dawladda Sweden ee Soomaaliya .

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Safiirka iyo masuuliyiinta la socday ka dib markii ay soo gaadheen qasriga madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay kawada hadleen horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland, dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan Puntland, arimaha siyaasada iyo Aminaga .

” Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Australia Mr.John Feakes oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana soo dhaweynaynaa ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Wefdigu waxaa ay Puntland u yimaadeen inay eegaan horumarka ka soconaya iyo xaalada guud ee Puntland iyo nabad-gelyadeeda iyo sidookale mashaariic ay dalka ka wadeen oo ay ugu weyntahay mashruuca xabsiga Garoowe ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay inay ka go’antahay sii wadida iyo xoojinta xariirka ay dawladda Puntland la leedahay beesha caalamka .

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Australia Mr.John Feakes ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta uu u sameeyey iyo sidookale horumarka uu gaarsiiyey Puntland mudadii uu hogaanka hayey.

Mr.John Feakes waxaa uu cadeeyey in dawladda Australia ay dhankooda ka go’antahay inay sii wadayso mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan islamarkaana ay xoojinayaan xiriirka ka wada dhaxeeya labada dawladood.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online