Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe ka dhagax dhigay Cisbitaal iyo Machad caafimaad.[Cod/Masawiro]

April 4, 2015 - Written by Editor

14Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta dhagax dhigay cisbitaal iyo machad caafimaad oo ay dhisanayaan dhakhaatir reer Puntland ah oo dalka dibadiisa uga yimi sidii ay dalkooda u maalgashan lahaayeen.

Xafladda dhagax dhiga ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Taliyaha ciidamada Puntland Siciid Maxamed Xirsi , Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, Xildhibaano, Dhakhaatiir, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in xaruntaan caafimaad looga baxi doono baahida caafimaad ee dadka reer Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed u aadi jireen dalka dibadiisa.

” Umadda reer puntland iyo Soomaali oo idil ee qurba joogta ah waxaan idinka filaynaa idina inaad samaysaan talaabada ay qaadeen dhakhaatiirtaan ku bahowday wax tarida dadkooda iyo dalkooda ” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.

” Dawladda siyaasadeeda weeye inaanu soo dhaweyno dhammaan qurbo-joogta soomaaliyeed diyaar baanna u nahay ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey waxaa uu si gaar ah ugu mahadceliyey dhakhaatiirta ku bahowday dhismaha cisbtaalka iyo machadka caafimaad, waxaana uu kula dardaarmay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u hirgeliyaan si dadka iyo dalkaba loogu faa’iideeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa dhankiisa si aad ah u soo dhaweeyey talaabada wanaagsan ee ay qaadeen dhakhaatiirtaan oo reer Puntland.

” Dhakhaatiirta u yimi in wadankoodi ay wax u qabtaan oo aan dawladda dhaqaale nasiiya lahayn oo iyagoo aqoonti leh imaanayaan intaasa ugu muhiimsan ” Ayuu yir Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire.

Dhulka ay dhakhaatiirtaan ka dhisanayaan machadka iyo cisbitaalkaba waxaa bixisay Dawladda Puntland , waxaana ay dawladdu ugu talagashay in shacabka reer Puntland iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed looga faa’iideeyo waxna loogu qabto.

Qurba-joogta reer Puntland iyo shirkado caalami ah ayaa hada ku howlan sidii ay maalgashi caalami ah uga samaysan lahaayeen guud ahaan Gobolada Puntland , kadib markii ay arkeen nabadda iyo kaladambeynta kajirta Puntland.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/seru49q0ri/engcamay.mp3]

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online