Mu’assasada Minhaaj Galdogob oo taageero caafimaad iyo wacyigalin diineed gaarsiisay tuulooyin.[Masawiro]

April 17, 2015 - Written by Editor

13Galdogob :-Maalinimadii khamiista ee ku beegnayd 17/4/2015 ayaa Mu’assasada Al-Minhaaj ee degmada Galdogob waxaa ay booqdeen tuulooyinka Galdhuumood, Qansaxle, Jeexo, iyo Qanbuus. Tuulooyinkaas oo roobka Gugu si fiican uga da’ay ayaa waxaa u soo guuray reer miyi faro badan oo qaarkood ka yimaadeen dhulka riseefka ee kililka shanaad.

Mu’assasada oo kaashanaysa isbitaalka guud ee degmada iyo MCH-ka ayaa waxaa la socday tiim isugu jiray dhaqaatiir, kalkaaliyaal iyo neersis, kuwaasoo u fidinayey adeeg caafimaad dadka degan tuulooyinka iyo reer miyiga yimaadaba, ayadoo daweynta iyo dawooyinkuba lacag la,aan ahaayeen, waxaa intaas dheeraa wayi galin caafimaad oo dhakhaatiirtu ugu sharxayeeen dhibaatooyinka jaadka, waxaana ka faaiidaystay ku dhawaad 150 qof oo rag iyo dumar iyo caruuba isugu jiray.

Dhinaca kale waxay ducaada iyo culumada Mu’assasada Minhaaj Galdogob u jeedinayeen dadkaas muxaadarooyin diini ah iyo wacyigalin taasoo looga hadlayey arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Salaada, ku shukrinta nimcada alle, maandoori yaha jaadka, sigaarka, tubaakada IWM.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku nool deegaanadaas ayaa aad usoo dhaweeyey booqashadaas codsadayna in loo joogteeyo, halka mu’assasaduna qorshanayso inay samayso booqashooyin dheeri ah oo ku aadan deegaanada kale.

no images were found

Mu’assasada Minhaaj
Galdogob, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online