Mu,tamarkii 4aad ee sanadlaha ahaa oo ka furmay Masjidka Al-Tawxiid ee magaalada Kampala(Masawiro)

April 4, 2015 - Written by Editor

IMG-20150404-WA0005Kampala:-Waxaa ka furmay shalay oo ahayd jimce 03/04/2015 bacdal casar magaalada Kampala mu,tamarkii diiniga ahaa ee afraad oo ay sanad walbo qabsan jireen jaaliyada soomaalida ee dalka Uganda.Mu,taamarka oo sanad walbo soo qabanqaabiyaan Markazka towxiid ayaa sanadkan waxaa cinwaan looga dhigay (dhexdhexaadnimada iyo toosnaanta) waxaana lagu marti qaaday culimo meelo kala duwan ka timid waxaana sanadkan ka mid ahaa culumadii timid.

1. Sh. Maxamed Cabdi Umal Kenya, Nairobi
2. Sh. Maxamed Qaasim Maxamuud kenya, Nairobi
3. Sh Drr. Xasan Sh. C/qaadir (Al basri) Somalia, Muqdisho.
4. Sh. Cabdinuur Faarax Taano, Kenya, Mandhera.
5. Sh. Maxamed Yamani Kenya , Nairobi.
6. Sh. Maxamed Adam Abdile Koonfur Afrika, Johannesburg.
Xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayntii barnaamijyo kala duwan ku soo bandhigay madarsada xifdinta qur,aanka towxiid iyo iskuulka, barnaamijtaa oo aad loogu bogay ayaa waxa ardayda madarsada ay muujiyeen awoodooda tacliimeed xaga diinta iyo maadiga.

intaa ka dib waxaa kalimada furitaanka qaatay Sh. Maxamed Sh. Abdiweli oo ah imaamka Masjidu towxiid, sheekha ayaa culimada ku so dhaweeyay ugandha waxaana uu ku booriyay dad waynihii in culimada mudadan kooban ee mu,tamarka socdo ay ka faa,iidaystsaan.

Waxaa kaloo kalimad la siiyay Sh. Axmed Geesa Cadde oo ka mid ah culimada markazka, sheekha waxay ahayd kalamadiisa taariikhda dacwada jaaliyada soomaaliyaad ee ugandha.

sheekha ayaa aad ugu dheeraaday taariikhda dacwada jaaliyada soomaaliyeed ee ugandha iyo aasaaskii markazka towxiid 30 sano ka hor, waxaana uu tilmaamay in culimo badan ay dacwo soo wadeen tan iyo 1984tii, waxaana uu ahaa sheekhii ugu horeeyay ee dacwo iyo duruus aqriya sh. abdullahi lakari, waxaana intaa ka dib yimid oo halkaa dacwada ka sii waday sh. adam kampala, sh. c/weli abdala oo ahaa sheekha iyo imaamka masjidu towxiid mudo dheer ilaa uu geeriyooday 2012ka, waxaa kaloo uu tilmaamay sh. geesa cadde in culimadii imaaday ugandha ay ka mid ahaayeen Sh. abdiqaadir Nuur faarax, Sh. boqol soon, sh. Maxamuud cise, sh. Nuuradiin cali colow, iyo culimo kale oo qaarkood dhowr sano joogay.

intaa ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay Sh. C/raxmaan Qaasim oo asagana tilmaamay in xiligan fasaxa ah waxa loogu soo aadiyay mu,tamarka ay tahay in dhamaan jaaliyada soomaalida ay ka faa,iidaystaan, waxaana uu sheegay in mu,tamarka uu ka socon doono kampala ilaa isniinta oo 06/04/2015 ka dibna waxaa uu u wareegi doonaa magalooyinka kale ee jaaliyada soomaalida ay aadka u dagantahay insha allah sida JINJA, EMPALI, waxaana uu soo gaba gaboobi donaa ayuu yiri sheekha maalinta khamiista oo ah 09/04/2015.

isla shalay galab ayaa waxaa bilaabmay nadwo loogu tala galay furitaanka mu,tamarka oo ka hadlaysay dhexdhexaadnimada iyo toosnaanta oo dhoor mowduuc loo qaybiyay waxaana galay muxaadaradii u horaysay Sh. Abdinuur Faarax Taano.
xalayna waxaa dhamaystiray culimada kale oo mowducaa soo diyaariysy sida sh.umal, sh. yamani iyo sh. xaan al basri

no images were found

waxaa xusid mudan in masjidka towxiid uu shalay ilaa xalay ay buux dhaaf-sheen jaaliyada soomaalida ee ugandha rag, iyo dumarba.waxaana barnaamijka xiriirinaayay oo daadihinaayay Sh. ibraahim xirsi galaw oo ka mid ah culimada markzka towxiid.

Maanta oo ah 04/04/2015 waxaa baxaayo subaxdii muxaadaro u gaar ah ardayda jaamacadaha oo ka bixi doono hoolka jaamcada iyo muxaadaro u gaar ah dumarka oo ka bixi doonto masjidka.

Masjidka Al-Tawxiid
Kampala
Ugandha
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online