Mutamarkii 4aad ee sanadlaha ahaa oo ka furmay Masjidka Al-Tawxiid oo galay maalintii 2aad.[Masawiro]

April 4, 2015 - Written by Editor

mutaarKampala:-Waxaa maalintii labaad galay mutamarkii diiniga ahaa ee ka socday dalka Uganda oo ka furmay magaalada Kampala maalintii shalay oo taariikhda ahayd 03/05/2015. Mu,tamarkan oo ahaa kii 4aad oo ay qabsato Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda ayaa waxaa soo qaban qaabiyo Markazka  Towxiid Waxaana sanadkan lagu marti qaaday culimada kala ah:-

1. Sh.Maxamed Cabdi Umal Kenya, Nairobi

2. Sh. Maxamed Qaasim Kenya, Nairobi

3. Sh. Maxamed Al-Yemani Kenya, Nairobi

4. Sh. Xasan Al- basri Somaliya , Muqdisho
5. Sh. Cabdinuur Farah Taano Kenya , Mandheera.

6. Sh. Maxamed Aadan Abdile Koofur afrika, Johannesburg.

waxaa saakay 10kii aroornimo dumarka u galay labo muxaadaro Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh.Cabdinuur Faarax Taano iyadoo labad muxaadaradaba ay ka dhaceen Masjidu towxiid ilaa duhurkii ku dhawaad. Muxaadarada hore oo uu galay Sheekh Abdinuur ayaa waxay ku saabsaneed dhoorsanaanta iyo akhlaaqda wanaagsan, waxaana uu sheekha uu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay akhlaaqda wanaagsan iyo sida qof kaste looga baahanyahay in uu buuxiyo.
Waxaa muxadarada labaad u galay dumarka Sh.Umal oo ka hadlay ahwaasha qiyaamaha asagoo sheekha aad ugu dheeraaday qiyaamaha iyo in ay muhim tahay in loo diyaar garoobo qiyaamaha, sheekha waxaa uu xusay xaaladaha kala duwan ee qiyaamaha la maraayo iyo shidada taalo maalinta qiyaamaha, waxaana uu tilmaamay sheekha in sidda kaliya ee ahwaaashaas adag looga bixi karo ay tahay in camalka saalixa lagu dadaalo.

Isla saakay 11kii aroornimo waxaa hoolka wayn ee jaamacada caalamiga ee bariga afrika ka dhacay labo muxaadaro oo mu,tamarka ka mid ahayd, muxaadaraadkaa waxay gaar u ahaayeen ardayda jaamacadaha dhigto ee Uganda, ardayda oo aad u soo buuxisay hoolka wayn ee jaamacada ayaa waxaa u ahaa cinwaanka muxaadaradii saakay ( dhalinyarda iyo saamaynta ay ku leedahay cowlamada ama caalamiyeenta) waxaana galay mowduucaa oo labo qaybood ahaa Dr. Xassan Al_basri iyo Sh Maxamed Aadan Abdile.

mowduucan oo ah mawaadiicda ugu saamaynta badan ardayda iyo dhamaan bulshada muslimiinta ayaa waxay culimada ku soo koobeen in cowlamada ama caalamiyeenta uu saameentiisa xun ka badan yahay midkiisa wanaagsan, waxayna tilmaameen in calamiyeen ta reer galbeedka uu u yahay hab ay rabaan in aduunka oo dhan ku qabsadaan ayadoo siyaabo badan oo kala duwan la isticmaalaayo, sidda dhaqaalaha, dhaqanka, ilbaxnimada, waxbarashada waxaana ay tilmaameen culimada in ay muhim tahay in laga digtoonaado.

Waxaa kale oo galabta uu ka galay masjidu towxiid sheekh abdinuur taano muxadaro uu cinwaankeeda ahaa ( in qofka uusan wax walbo iska daba kicin) ayadoo sheekh Umalna caawa bacdal maqrib uu galay (shirkiga) sheekha oo mowduucan ku dheeraaday ayaa waxaa uu si wayn uu uga digay allah wax la wadaajinta, waxaana uu sheegay in dambiga la falo kan ugu wayn uu yahay shirkiga sidaa daraadeed waxaa muhim ah ayuu sheekha yiri in shirkiga marnaba uusan u dhawaan qiofka si uu u libaano aduun iyo aakhiraba.

Waxaa beri galinka hore dumarka u geli doono haddii allah yiraahdo muxadaro cinwaan keeda yahay Cadaabul qabriga ayadoo sidii caadada ahayd casarki iyo maqribkiiba labo muxaadaro ay bixi doonaan insha allah.

no images were found


Markazu towxiid
Kampala, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online