Mutamarkii 4aad ee Uganda oo qaybtii Kampla la soo xiray iyo culimadii oo Gobollada u safartay

April 8, 2015 - Written by Editor

hhKampala:-Waxaa habeenamadii Isniinta ahayd oo talaadada ay soo galaysay 06/04/2015 bacdal cishaa soo xirmay mutamakii Uganda qaybtii ka socotay Kampala, xaflad heer sare ahayd oo lagu qabtay Masjidka Towxiid ee Kampala ayaa lagu soo xiray Mu,tamarkii Uganda qaybtiisii Kampala.

Ka hor inta aan la soo gaba gabaynin ayaa waxaa muxaadaro cinwaankeeda ahaa (u laabashada Kitaabka iyo sunada) soo jeediyay Sh. Maxamed Umal oo muxaadarada ka dibna la waydiiyay su,aalo aad u badnaa oo uu sheekha ka jawaabay, intaa ka dib ayaa waxaa halkaa ka bilaabatay xafladii xiritaanka mu,tamarka Kampala waxaana xafladii xiritaanka hadal dheer jeediyay Sh.Ibrahim Galow oo sheegay in mu,tamarkii Kampala uu dhamaaday ayadoo uu xusay in Mutamarka uu ka socday Kampala afar cisho.

Intaa ka dib waxaa soo xiray mu,tamarkii Sh. Xuseen Dheere oo ka mid ah culimada waawayn ee Markazu Towxiid, waxaana Sheekh Xuseen oo u mahad naqay mahada allah ka sakoow culimadii ka qayb qaadatay mu,tamarka sanadkan waxaana uu xusay in ay wax badan ka faa,iideen shirka sanadkan iyo sanad walba.

Isla shalay 06/04/2015 ka hor maqribkii waxaa culimada ay la kulmeen ducaada Kampala, fadhigaa oo ka dhacay qolka shirarka ee Markazu Towxiid ayaa waxaa naseexooyin iyo talooyin ka soo jeediyay qaar ka mid ah culimada mu,tamarka, waxaa kale oo culimada laga dhagaystay xaaladihii dacwiga ahaa ee ay ku sugnaayeen meelihii ayba imaadeen, waxaana halkaa kalimad aad u qiimo badan oo naseexo iyo dardaaranba isugu jirtay u jeediyay ducaadii sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Culimada oo talaadada u soo ambabaxay Mbali iyo Jinja ayaa waxaa la filayaa in habeenka Khamiista soo galayso oo bisha 04aadna ay tahay 09a bisha in ay Kampala ku soo laabtaan insha allah. Waxaa la filaayaa inta ay joogan culimada labadaa magaalo in ay qaban doonaan barnaamijyo badan oo Mutamarka 04aad ee uganda ka mid ah.

HALGAN.NET

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online