Mutamarkii 4aad oo si habsamo leh uga socda magaalada Kampala [Masawiro]

April 6, 2015 - Written by Editor

IMG-20150406-WA0017Kampala:-Waxaa maanta oo bisha ay tahay 06/05/2015 uu galay Mutamarkii diiniga ahaa ee ka socday dalka Uganda maalintii afraad, waxaana halkii ka sii socday duruustii iyo tawjiihaadkii ay wadeen culimada.

Culimada sanadkaan mu,tamarka lagu martiqaaday waxaa ka mid ahaa:-

1. Sh.Maxamed Cabdi Umal Kenya, Nairobi

2. Sh. Maxamed Qaasim Kenya, Nairobi

3. Sh. Maxamed Al-Yemani Kenya, Nairobi

4. Sh. Xasan Al- basri Somaliya , Muqdisho

5. Sh. Cabdinuur Farah Taano Kenya , Mandheera.

6. Sh. Maxamed Aadan Abdile Koofur afrika, Johannesburg.

Saakay 10kii aroornimo waxaa hoolka wayn ee jaamacada caalamiga ee bariga afrika ka galay muxaadaro cinwaankeedu uu ahaa (DHALINYARADANADA HALKEE U SOCOTAA?) Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Abdinuur Faarax Taano oo si faahfaahsan uga hadlay mowduucyo ay ka mid ahaa yeen Tahriibka iyo dhalinyarada in ay ka digtoonaadaan afkaarta Khaldan ee dhalinyarada lagu siro oo lagu marin habaabiyo.

Muxaadarada oo gaar u ahayd Ardayda jaamacadaha ayaa waxaa ardayda looga jawaabay su,aalo aad u fara badan oo uu ka jawaabay Sh. Umal, waxayna ahayd muxaadaradii labaad ee ardayda loo galo oo mu,tamarka ka mid ahayd.

isla saakay waxaa muxaadaro aad u qiimo badan oo su,aalana looga jawaabayay u galay dumarka Sheekh Maxamed Yemaani iyadoo muxaadaradaa ay ka dhacaday Masjidka Towxiid, maanta galabtii casarka ka dibna waxaa muxaadaro ka galay masjidka towxiid Sh Maxamed Aadan abdile oo ku saabsaneed dul istaagid suuratul casri.

Shalay oo ahayd maalintii saddexaad ee mutamarka waxaa culimada iyo ganacsatada magaalada Kampala u sameeyay qado sharaf Markazka Towxiid, qada sharafta oo ay ka soo qayb galeen ka sakow culimada iyo ganacsatada safaarada Soomaalida ee Kampla iyo madax ka socotay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa wasiirka beeraha Sheekh Axmed Bile iyo xildhibaan Ibi oo labadaba dano u gaar ah u soo gaaray Kampala halkaana kalimaad xog waran dalkii ka jeediyay, waxaa kale oo xafladaa u hadlay culimada Sh umal iyo Sh. Maxamed Qaasim iyadoo ganacsatada halkaa ay ka hadleen.

Maanta oo ahayd isniina culimada waxaa qado sharaf u sameeyay jaaliyada Beesha Sade (Mareexaan) ee ugandha, ayadoo halkaa duco iyo kalimadba uu ka jeediyay Sh. Maxamed Umal.

Haddii allah yiraahdo waxaa Mutamarka la soo gabagabayn doonaa qaybta magaalada Kampla caawa, ka dibna talaadada beri ah iyo arbacada waxay culimada joogi doonaan Jinja iyo Empali oo aad ay u degan yihiin Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkan iyo waliba arday badan oo dhigata jaamacada islaamiga ah ee Empali. 

no images were found

Markazu Towxiid.
Kampala,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online