Mutamarkii ka socday Kampala oo la soo gabagabeeyey (Masawiro +Bayaan)

April 10, 2015 - Written by Editor

IMG-20150407-WA0007Kampala:-Waxaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha Mutamar Islaami ah kaas oo soo bilaawday 03/04/2015 kaas oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro badan oo ku dhaqan dalka Ugandha.

Mutamarka Islaamiga ayaa waxaa lagu qabtay Masjidka Al-Tawxiid wuxuuna ahaa Mutamrka 4aad ee lagu qabto dalka Ugandha .
Sanadkan waxaa lagu martiqaaday Mu,tamarka Culimo ka kala yimid  meelo kala duwan waxaana ka mid ah .
1. Sheekh Maxamed Cabdi Umal Kenya Nairobi
2. Sheekh Maxamed Qaasim Maxamuud Kenya Nairobi
3. Sheekh Dr. Xasan Sheekh Abdikadir Al-Basri  Muqdisho.
4. Sheekh Maxamed Yemani Kenya Nairobi
5. Sheekh Cabdi Nuur Faarax Taano Kenya  Mandeera
6. Sheekh Maxamed Aadan Abdile South Afrika  Johannesburg.
Markii la soo gabagabeeyey Mutamarka ayaa qaar ka mid ah culimada waxay u anbabaxeen  Jinja iyo Mbale oo ka mid ah gobolada Uganda waxayna culimada booqdeen oo ay Mu,tamarka qaybtiisa gobolada ku qabteen magaalooyinkaa.
Gabagabadii ayaa waxaa ay culumada ka soo saareen Bayaan  ka kooban lix qodob waxayna kala yihiin

BAYAANKII MU,TAMARKA AFRAAD EE UGANDA
1.Waxaa u dardaarmeynaa hogaanka soomaalida meel uu joogaba sida siyaasiyiinta, culimada, aqoonyahanka, dhalinyarada, dumarka,ganacsatada ay ka shaqeeyaan midnimada ummada iyo maslaxada ummada, ayadoo maslaxada oo laga shaqeeyo iyo midnimada ay tahay waxyaabaha shareecadeena u aasaas ah.
2. Waxaa u dardaarmeynaa in colaadaha dhulkii halakeeyay ee ku saleesan qabyaalada, iyo gobolaysiga iyo kuwa ku salaysan colaad diimeedka si deg deg ah loo joojiyo kana waantoobaan dadka ku lugta leh colaadaa, ayadoo la ogyahay in burbur iyo barakac laga faa,iidaayo soo noq noqashada  coladaa.

no images were found

3. Waxaa u dardaarmeynaa in ummada soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan shirqoolada cadawga u maleegaayo, iskana ilaaliyaan saameenta kooxaha dhunsan sida shiicada iyo kooxaha kale ee ka leexday diinteena suuban.
4. Waxaa u dardaarmeynaa dhalinyarada soomaaleed in ay aaminaan wadankooda oo ay joojiyaan tahriibka iyo ka cararida dalkooda hooyo,  ayagoo naftooda ku halaagaayo saxaraha iyo badaha iyo waliba xuduudaha caalamka.

5. Waxaa u dardaarmeynaa ummada Soomaaliyeed allah ka baqid iyo in ay ku waalaaloobaan kitaabka allah iyo sunnada Nabiga scw ayagoo ku qaadanaayo diinta sida ay u fahmeen salafkanagii saalixa ahaa.

6. Waxaa u dardaarmeynaa bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan uganda in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan wixii anfacaayo aduun iyo aakhiro,  islamarkaana ilaalinaaya nabadgalyada iyo nidaamka wadankan ay ku nool yihiin.
WABILLAHI TOWFIIQ.

HALGAN.NET
Kampala

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online