Nadwadii 13aad ee sanadlaha ahayd oo caawa ka bilaabmatay masjidka Al-rowda ee Bosaaso.[Masawiro]

April 15, 2015 - Written by Editor

11Boosaaso:–Nadwadaan oo cinwaankeedu ahaa Manhajka Ehlu sunnaha iyo mowqifka Shiicada uga aadan ayaa waxaa furay Sh. Faarax Maxamed Cajab wuxuuna xusay in culimadu sanadka ay u dooreen cinwaanka ah manhajka ehlu sunnaha iyo mowqif kooda shiicada kaga aadan markii ay arkeen khatarta Shiicadu ay ku hayso wadankan Soomaaliya.

Inta ka dib waxa hadalka qaatay Sheekh Xassan Xuseen waxuuna sheegay inaan mowduucaan horay looga hadli jirin sababta keentayna ay tahay in khatarta shiicadu nasoo gaartay. Sheekha oo hadalka sii watay ayaa intaa ku daray in wadanka Yemen oo aynu dariska nahay ay hadda fara kulul ku hayso shiicadu.

Ugu dambayntii Sheekh Xassan Xuseen waxa uu alle ummadda Soomaaliyeed uga baryay inuu ka magan galiyo fitnada ay shiicadu maleegayso. Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Sheekh. Axmed Cabdisamad oo ugu horayn ka waramay sababta loo doortay cinwaanka Nadwada sanadkan , isagoona tilmaamay inay ahayd dadka Soomaaliyeed in looga digo khatarta shicada oo dalka ku soo wajahan, Sidaa daraadeed ay dhaqanka culimadda waligood ahayd ka hor taga firqooyinka cusub intaysan ku xididay san umadda Islaamka ah dhexdeeda .

Sheekhu inta waxa uu ku daray in maamulka iyo shacabkaba ay waajib ku tahay inay difaacaan diintooda una huraan naf iyo maalba. Inta ka dib waxa laguda galay cinwaankii koowaad ee nadwada , oo uu soo jeedinayay Sh. Cabdiraxmaan Maxamed (Bukhaari), kaas oo ahaa (usuusha ehlu sannaha iyo caqiidadooda) Sheekha oo muxaadarada guda galay ayaa waxa uu tilmaamay sagaalka asal oo ay Ahlu sunnuhu aaminsanyihiin waxayna kala ahaayeen:-

1. Inay rumeeyaan iimaanka iyo arkaantiisa.

2. In iimaanku yahay hadal iyo ficil iyo rumayn iyo in iimaanku kordho sidoo kale uu nusqaamo, waxa uu ku kordhaa daacada waxa uu ku nusqaamaa macsida.

3. Inaysan dadka muslimiinta ah ku gaalaysiin dambiyada waawayn ee ay galaan haddii uusan la imaan waxa burinaya islaanimadiisa.

4. Inay waajib tahay in la adeeco dadka madaxda u ah muslimiinta oo aan lala dagaalamin haddii aysan la imaan gaalnimo cad.
5. Inay xaaraan tahay ladagaalanka madaxda umadda.

6. Inay asxaabtii nabiga scw ka nabad galaan qalbigooda iyo carrabkooda.

7. Inay jeclaadaan ehlu baytka rasuulka scw inta Islaamka ah.

8. Inay rumaysan yihiin karaamada owliyada ilaahay.

9. In dalilkoodu yahay kitaabka alle iyo sunnada nabiga scww….

Inta ka dib Sheekhu waxa uu ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay inay bartaan oo ku dadaalaan caqiiidada saxda ah ee Ehlu sunnaha si ay uga badbaadaan caqaa’ idka faasidka ah, isagoo tusaale u soo qaatay in qofka aan caqiidada baran ay uu la mid yahay geed aan lahayn xidido oo ay laamihiisu dabayluhu lulayaan.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Bosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online