Nadwadii ka socotay Masjdka Al-rowda ee Bosaso oo la soo gabagabeeyay.[Masawiro+Bayaan]

April 21, 2015 - Written by Editor

20150420_194535Boosaaso:-Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay  magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Nadwadii 13aad oo mudo 6 cisho ah ka socotay Masjidka weyn Al-rowda ee  magaalada Boosaaso. Ugu horrayn waxa ka hadaly madasha guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Sheekh.Maxamad C/llaahi, wuxuuna xusay nadwada xilligii la soo bilaabay iyo weliba sidda magaca Nadwada  sannadkan loogu doortay, inta ka dib guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan casharada Nadwadaan ka baxay ay ahaayeen 41 cashar oo goobo kala duwan laga jeedshay, sidoo kale wuxuu u mahad celiyay golayaashii kala duwanaa ee ka shaqaynayay qaban qaabada Nadwada iyo guddigii ammaanka ilaalinayay.

Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Sheekh Daahir Aw Cabdi, waxaa uuna sheegay in  cimrigu uu dhammaanayo sidda ay Nadwadani u dhammatay, waxa uuna inta ku daray in ajjashu ay dhow dahay sida alle quraankiisa ku sheegay, waxa uuna tusaale usoo qaatay hadalkii odayadii soomaaliyeed ee ahaa “Maanta waa adduun berrina waa Aakharo”

Intaa sheekhu waxa uu ku daray in nadwadan lagu soo beegay xilli ku habboon, waxa uuna xusay sheekhu in salafkii ummadani ay bidcada kula dagaallameen labo shay oo ahaa in la cadeeyo xaqa iyo dadka xujada lagu oogo.

Sheekhu waxa uu u dardaarmay umadda soomaaliyeed inay la dagaalamaan bidcada, waxa uuna ku soo kooobay hadalkiisii dardaaran uu u soo jeediyay dadwaynaha Soomaaliyeed ee ehlu qiblaha ah, oo ahaa inay dacwadaan u guntadaan , shiikhuna waxa uu balan kaga qaaday dadkii masjidka joogay  inay waajibkaas u guntadaan , iyana way balan qaadeen.

Sheekh Axmed Cabdisamad oo isna madasha ka hadlay ayaa  sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ka eed sheegan jireen dad ku xukumay gaalnimo oo sidaa ku laayay, ee bal ka warama kuwa Asxaabta iyo Xaasaskii Nabiga NNKH gaalaysiinaya oo intii raacaydana dilaysa.

Sheekhu waxa uu sheegay inay asxaabtu ahaayeen kuwii diinta ina soo gaarsiiyay, aasaasna ay u ahaayeen diinteenna xaniifka ah, ayna mudan yihiin in la difaaco maxaa yeelay annagu haddanu Sooomaali nahay waynu ka dirirnaa markii qabiilkeenna ama siyaasigeenna wax laga sheego haddaba gar ma ahan inaan taasna ka dagaallano asxaabtii nabigana NNKH aan la difaacin.

Intaa kadib sheekhu wuxuu ku tala bixiyay in masaajidda laga akhriyo oo guryaha lagu akhriyo siiradii nabiga NNKH iyo fadligii Xaasaskii Nabiga NNKH iyo Asxaabtiisii ARN.S heekhu waxa kale oo uu soo jeediyay ayaamahan carruurtii inoo dhalata  in loo bixiyo magacyada Abubakar,Cumar ,Cuthman, Caaisho iyo Xafso ARN, waxa uuna sheegay in magacyadani ay yihiin kuwa Shiicaddu ugu necebyihiin halka nabigu NNKH uu ugu jeclaa asxaabtiisa.

Waxaa inta xigay Sheekh Maxamed Xuseen Cali (Maxammed Deeq) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-Karam ee Dacwada iyo Hormarinta ee ka shaqaysa Gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland, sheekhu waxa uu sheegay in arrintani ay qayb ka tahay isku xirnaanta iyo walaalnimada, waxa uuna sheegay inay kororsadeen intii ay halkan joogeen khibrado badan oo dacwadeed.

Sheekhu waxa uu mar labaad u mahad celiyay reer Boosaso iyo Mu’ssasada Al-minhaaj waxana uu sheegay in Mu’asasada Al-Karam ay tahay walaasha  Al-Minhaaj. Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Maxammed Caydiid ayaa asna kalimad ka jeediyay, waxa uuna aad ugu mahad celinayaa culimadii u guntatay inay Nadwadu qabsoonto.

Waxa kale oo masuulku mahad celiyay M’ssasasada alkaram oo uu sheegay inay safar dheer u soo galaan dacwada sidoo kale waxa uu u mahad celiyay Al-minhaaj isagoo sheegay in dhibaatada maanta haysata dadka Suniyiinta inay sabab u tahay kala daadsananta dhexdooda ka jirta waxana alle uu uga baryay inuu kalmadooda mideeyo.

Beeldaaje Cali beeldaaje Faarax oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri: Nadwadan waxa lagu soo beegay xilli loo baahnaa, waxana uu u mahad celiyay culimadii umadda u soo jeedisay nadwadan, waxa kale oo uu intaa ku daray beeldaajuhu in cilmigu ka horeeyo camalka isago ummada ugu baaqay inay cilmiga bartaan  si ay uga badbaadaan khataraha ku soo fool leh , waxa kale oo uu sheegay beeldaajuhu inay habboontahay in qofku diintiisa uu aqoon u leeyahay.

Ugu dambayn beeldaajuhu waxa uu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay arrintaas u dhug yeeshaan  waliba ay ku baraarugaan in cadawga shiicada ahi ay wataan lacago fara badan, taasoo khatarteeda leh .Gabagabdii Nadwada ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Sh C/raxmaan Aw Ciise Gudoomiye ku xigeenka mu’asasada al-minhaaj qaybta gobolka bari oo halkaa ka akhriyay bayaankii nadwada ka soo  baxay, wuxuuna u qoraa sida tan: Halkaan ka eeg

no images were found


Mu’asasada Al-minhaaj
Qaybta gobolka Bari

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online