Nadwadii ka socotay Masjidka Al-Rowda ee Magaalada Boosaaso oo gashay habeenkeedii 6aad (Masawiro)

April 21, 2015 - Written by Editor

1Boosaaso:-Nadwadii kasocotay masjidka alrowda oo gashay habeenkeedii 6aad , iyadoo uu caawa soo jeedinayay Sheikh Maxamed Macallin Axmed, cinwaanka muxaadaraduna uu ahaa “Halka ay Culimada Islaamku Ka Taagan yihiin Shiicada”.

sheekhu inta aanu guda galin muxaadaradiisa waxa uu si kooban uga hadlay xaqa asxaabta nabigu scww ay ku leedahay umadda ka dambaysay, kaasoo ah in loo qiro wanaaga ay mutaysteen iyo in la jeclaado, maxaa yeellay alle weyne ayaa jeclaaday kana raalli noqday, nabiga scww waxa uu sheegay in lajeclaado inay ka mid tahay iimaanka, iyago oo la nacana inay tahay calaamad munaafaqnimo ah,waxa kale oo nabigu scww uu yiri ” asxaabtayda yaan lacaayin qofkii caaya asxaabtayda lacnadii ilaahay haku dhacdo” arrintaasina waxay ku tusaysaa asxaabta nabiga scww oo lacaayo inay tahay mas’allo khatar ah

haddaba culimadu maxay ka dheheen cayda asxaabta nabiga scww:

“cammaar ibnu yassir ayaa nin ku ag caayay caaisha bintu abubakar assidiiq, kadib cammaar waxa uu ku yiri duf kubax iga ag dhaqaaq ma xaaskii nabiga ayaad agtayda ku aflagaadaynaysaa”

waxa kale oo culimada laga wariyay in ladilayo cidii aflagaaddo ugaysata asxaabta nabiga scww

qaadii ciyaad waxa uu yiri ” cayda asxaabta nabiga scww amma in la liido waxa ay ka mid tahay dambiyada waawayn”

sidoo kale imam annawawi waxa uu sheegay inay xaaraam tahay in wax laga sheego asxaabta nabiga scww .

intaa kadib sheekhu waxa uu guda galay culimada islaamku waxa ay ka yiraahdeen shiicada waxana uu kala qaaday labo qaybood:

Mida koowaad oo ah sida loola dhaqmayo nimankan shiicada la yiraahdo.

Tan labaad sheekhu waxa uu sheegay xukunka ay qaadanayaan shiicadu.

Culimadu waxay ka hadleen la dhaqanka nimankan sida in salaadda lagu daba tukanayo, in dumarkooda laguursado, in laga qaado warkooda iwm

Culimadu waxa ay isku raaceen in nimanka raafidada la yiraahdo oo shiicada kamida ay ka mid yihiin dadka dadka ugu beenta badan inay yihiin,waxayna sheegeen inaan hadalkooda la raacin,

Midda kale culimadu waxa ay caddeeyeen inaan lagu daba tukan raafidada, culimada qaarkood waxaa laga soo raray inaan lagu daba tukan Karin nin caado ka dhigtay inu caayo abu bakar iyo cumar RC, intaa waxay kudareen culimadu inaan lasoo booqan Karin , inaan la raaci Karin janaasadooda sidoo kale inaysan bannaanayn in lagu tukado janaasadooda.

no images were found

Dhanka kale culimadu waxay shegeen inaan la cuni Karin wax alla waxay gowraceen, waxay kale oo culimadu sheegeen inaan laguursan Karin gabdhahooda.

Dhanka kale sheekhu waxa uu ugudbay qaybtii labaad ee ahayd xukunka ay culimadu saareen nimanka, waxayna culimada badankoodu sheegeen nimankaas inay yihiin gaalo waxay kasoo reebeen nimanka la yiraahdo zaydiyada, qaar kamida culimadu waxa ay ku xukumeen in la edbiyo waxay sheegeen in ay yihiin bidcolayaal.

Imam abu xaniifa markii shiicada agtiisa lagu sheego ayuu oran jiray ” qofkii ka shakiya gaalinimada shiicada waa gaal”

Haaruun arrashid ayaa isaguna waxa uu uyimid imaamu maalik oo masjidka jooga waxana uu ku yiri xoolaha fayga ah miyaanu wax kasiinaynaa dadkan caadaystay inay caayaaan asxaabtii nabiga scww isagoo ula jeeda shiicada waxana uu ugu jawaabay”maya”

Imam axmed ibnu xambal aya isagana lawaydiiyay ninka caayaya asxaabtii nabiga scww, waxa uu ku jawaabay “Umalayn mayo inuu yahay muslim”

Sheekhul islaam ibnu tayniyah waxa uu sheegay inay bannaantahay in nimankaas la laayo iyaga ayaana uga habboon khawaarijka in la laayo ‘’

Shiikha ayaa sidoo kale sheegay hadalo faro badan oo culimadu uga digayaan shiicada…..

iskusoo wada duuboo muxaadaradaan caaway oo ugu dambaysay nadwadii ka soctay masaajidka Rowda ayaa ahayd mid aad usoo jiidatay dhamaan dadkii dhagaysanayay.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online