Nadwadii Sannadlaha ahayd ee Masjidu Rowda ee Boosaaso oo habeenkeedii 2aad gashay.[Masawiro]

April 17, 2015 - Written by Editor

IMG_3207Boosaaso:-Muxaadarada caawa oo cinwaankeedu ahaa Shiicada bilowgeedii, kobaceedii iyo kooxaha ay u kala baxdo, ayaa waxa soo jeedinayay Sheekha weyn ee Soomaaliyeed Sh.Daahir Aw Cabdi.Ugu horayn shiikhu waxa uu ka waramay erayga shiico, waxa uuna sheegay in Shiico la yiraahdaa qof alla qofkii qof is bar bar taaga.

Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dowladii furus oo ahayd dowlad aad u da’ wayn lahaydna cilmi dheer iyo Taariikh soo jireen ah, markii ay muslimiintu rideen ayaa waxaa ka dhalatay colaad iyo cadaawad aad u weyn oo ay u qaadeen umadda muslimiinta ah ,waxayna u guntadeen inay la dagaalamaan Islaamka iyagoo ku dadaalaya inay ku soo daraan waxaan ka mid ahayn ,iyagoo u soo maraya shiicada, kuna dhuumanaya jacaylka Aalu baytka.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu ka waramay aasaasayaashii firqada shiicada , wuxuuna tilmaamay in ninkii ugu horeeyay ee aasaasay uu ahaa nin yahuudi ah oo la oran jirayn Cabdulaahi Ibnu Saba, ninkani waxaa uu bilaabay inuu ku kaco Khaliifkii musliminta Cuthman ibnu caffaan ARN .

Waxaa isaguna ka soo baxay Kuufa nin la yiraahdo Cabdulaahi ibnu Maymuun oo isagu ahaa ninkii asaasay firqo ka mid ah shiicada oo la yiraahdo Baadiniya. Intaa ka dib waxa uu shiikhu guda galay qaybaha ay shiicadu guud ahaan u kala baxdo isagoona ka waramay, sidoo kale shiikhu waxa uu ka waramay guud ahaan caqaa,ida ay koox waliba aamin san tahay.

Intaa ka dib waxa la galay qaybtii labaad ee darsiga oo ahayd fataawo ay culimadu uga jawaabayeen su’aalihii ay bulshadu culimada u soo gudbi say, waxaan caawa su’aalaha ka jawaabayay Dr Xassan Sheekh Cali Warsame iyo Sheekh C/raxmaan Bukhaari.

no images were found

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Bosaso , Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online