NISA oo War ka soo saartay Weerarkii Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare .

April 14, 2015 - Written by Editor

????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????Muqdisho: Taliyaha Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare,  ayaa ugu horeyn waxa uu Tacsi udiray dhamaan Qoysaskii iyo Qaraabadii iyo Eheladii ay ka geeriyoodeen  Shacabka iyo Askartii ku nafwaayay weearkii Bahalnimada ahaa ee Maanta Duhurnimadii ay ka geeysteen URURKA GUMAADKA UMMADDA SOOMAALIYEED (UGUS),  Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare ee magaalada Muqdisho.

Maanta duhurkii ayeey aheyd markii maleeshiyaad ka tirsan UGUS ay isku dayeen ineey xoog ku galaan kadibna Naf iyo Maalba laayaan shacab iyo masuuliyiinta wasaaradda Tacliinta Sare ee dalka, ayaa waxaa daqiiqado gaaban gudahood kaga hortagay Ciidamada Amaanka gaar ahaan ciidanka ONKOD oo katirsan NISA.

Ciidanka geesiyaasha ah ee ONKOD ayaa inkayar 15 daqiiqo waxa ay ku soo afmeereen howgal qorsheysan oo kooxda UGUS ay damacsanaayeen iney ku laayan Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana u suura gashay ciidanka ONKOD ee Nisa ka tirsan iney dhamaan maleeshiyaadkii UGUS  ku dilaan afaafka hore ee xarunta wasaaradda.
Qarax nooca loo adeegsaday Gaari ay walxaha Qarxa ka soo buuxiyeen oo ay ku dhufteen Gidaarka dambe ee dhismaha Wasaaradda Tacliinta ayaa waxaa ku geeriyooday tiro Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo gaaraya 8-Qofood, halka tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen, ku waasoo marayay meel u dhaw dhisman xarunta Wasaaradda Tacliinta sare.

Maleeshiyaadka weerar ka Arxan darada ah soo qaaday oo tiradooda aheyd 7- oo laba kamida ay Isqarxiyeen ayaa dhamaantood lagu dilay Afaafka hore ee Wasaaradda, waxa ayna damacsanaayeen iney gudaha u galaan xarunta wasaaradda halkaasoo ay rabeen iney laayaan shacabka ku sugnaa halkaasi, islamarkaana ay ku sameeyaan waxa ay ka sameeyeen Jaamacadda Gaarisa kalhore.

no images were found

Waxaana ciidanka Amniga howlgalkaas uga geeriyooday 2- askari, waxaana ay badbaadiyeen shacab iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Tacliinta sare oo xilgaas ku sugnaa gudaha dhisamaha Wasaaradda.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidanka Amniga dalka ay fashiliyaan kana hortagaan  ujeedooyinka gurracan ee kooxda UGUS ay  marwalba la damacsanyihiin  iney ku laayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

—–Dhamaaad—-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online