Qarax lagu weeraray Makhaayadda Banooda oo ka soo horjeeda Hotel Center ee Muqdisho

April 21, 2015 - Written by Editor

qarax-Muqdisho:-Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lala bartilmaamsaday Makhaayada Banooda oo ka soo horjeeda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho. Makhaayada Banooda ayaa ah makhaayada laga cunteeyo ,Qarax ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gaadiidka deg deg ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in uu jiro khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa oo ka cuntaynayey Makhaayadda Banooda oo ka soo horjeeda Hoteelka Central. Shalay ayay kooxda Al-shabaab magaalada Garowe ku qarxiyeen gaari Bus ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaa halkaasi ku dhintay ilaa 4 ka mid ah shaqaalaha UNICEF.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ka badan 10 qof in ay ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof,  weerarkii khasaaraha geystay ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyey walxaha qarxa oo lala bartilmaam saday Makhaayada Banooda oo ay wax ka cunayeen dad badan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online