Ra’iisul wasaaraha DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

April 25, 2015 - Written by Editor

IMG_2744Muqdisho, 24, April, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo socdaal shaqo ku gaaray dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in madaxda Kenya ay kala hadleen xaaladdaha qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool iyo xayiraadaha lagu soo rogay qaar kamid ah xawaaladaha Soomaalidu leedahay, wuxuna xusay in dowladda Kenya ay u muujiyeen sida ay uga xun yihiin xawaaladaha la xiray oo nolol u ahaa boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool dalka Kenya.

“Waxaan u muujinay in adeega xawaaladuhu ay ku tiirsan yihiin nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaas oo ku nool lacagaha ehelkoodu uga soo diraan dibadda. Waxaana kala hadalnay dowladda Kenya in dib loo furo Xawaaladaha, waxana rajeynaynaa in todobaadyada soo socda dib u howlgeli doonaan, iyagoo waafaqsan shuruucda ay ku shaqeeyaan Bangiyadu” ayuu yiri R.W Sharmarke.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ay ka wada shaqayn doonaan sida ugu haboon ee qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab loogu soo celin karo dalkooda ay tahay mid u baahan in si wada jir ah laysaga kaashado, dibna loogu soo celiyo marka ugu horeysa ee la xaqiijiyo amnigooda, noloshooda iyo meelaha ku haboon ee ay dagi lahaayeen.

“Soo celinta qaxootigu ma noqon doonto khasab, waxay noqon doontaa mid loo gogol xaaro goobaha ay dagayaan lagana fekero amniga iyo noloshooda kale, arrinta qaxootiga ee la yiri saddex bilood ha lagu celiyo ma jireyso insha allah, waxaana si wadajir ah uga shaqayn doonaa sidii dadkaas Soomaaliyeed ee dalkooda uga cararay amni darida ay si nabad ah ugu soo noqon lahaayeen” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qul-qulka dhalinyarada tahriibka u ah qaarada Yurub oo ku geeriyoonaysa maalin kasta bada u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga ay laga maarmaan tahay iney aaminaan dalkooda kana qayb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diidan iney nolol helaan.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online