Roobaba Lixaad Leh oo ka da’ay Laascaanood iyo Degaano ka tirsan Gobolka Sool.[Masawiro]

April 15, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Iyadoo todobaadadii u danbeeyey la saadaalinayey inay bilowdaan Roobabkii Gu’ga ay bishaan Abril ee aynu ku jirno waxaa saaka subaxnimadi hore ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka da’ay Roobab Mihigaan si wayn ah ugu biya dhigay deegaano ka tirsan gobolka Sool .

Roobkan ayaa ahaa mid ay si weyn ugu diirsadeen shacab  weynaha ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascanood ayaa noqonaya mid yareeya kulaylkii faraha badnaa ee maalmahaan magaalada ka jiray  .

Roobkan oo ka da’ayey saacadihii hore ee saaka ayaan dhalin wax khasaare ah , oo naf iyo maalba leh , Abaaro 4:30 subaxnimo waxaa lagu arkayey hawada sare ee Laascaanood daruuro muujinaya saan saan roobaad , salaadii subax ka dib ayuu bilowday roobka shuux shuux ah , waxaana uu saacad ka dib isku bedeley roob mahiigaan ah .

Geesta kale dadweynah ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa si weyn u soo dhaweeyey roobabkan lixaadka leh ee Alle Sw ku ku qaboojiyay maanta . iyagoo sheegay in maalmihii tegay ay aad la ildarnaayeen kulaylka aan la xamili karin ee fallaadhaha qoraxda ka imaanaya .

Ugu danbayntii waxaa roobani uu noqon donaa mid bulshada iyo noolah deegaanada Alle uu u qadaray ka haqab tira baahidii biyaha oo ah nolosha iyo jiritaanka noolaha oo idil. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanay Xudun iyo deegaano hoostaga gobolka Cayn sida Buuhoodle.

no images were found

En Mawliidd Isma Haradigeed

 Xafiiska Wararka Halgan

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online