RW Sharmaake: “Waxaan idiin xaqiijinayaa in xiriirka u dhaxeeya Sweden iyo Soomaaliya uu yahay mid adag”

April 17, 2015 - Written by Editor

rrMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal.

“Waxaan shalay la qaatay kulan miro dhal ah Safiirka Swden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxaana idiin xaqiijinayaa in xiriirka adag , uu ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Swden uu yahay mid adag, waxaan si qoto dheer u muujinayaa in Boqortooyada Swden ay la garab taagan tahay Soomaaliya taageero dhan kasta ah, kuna bixiso dhaqaale aad u balaaran dib u dhiska iyo dhismaha Hay’adaha dowalada, ayna ka taagan tahay kaalin muuqata muuqta kaalamada beesha caalamku siiso Soomaaliya” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaare cumar ayaa sheegay in dalka Swden uu hoy u yahay kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ugu nool sida dalkoodii oo kale, iyagoo kaalin muuqata ka qaata taageerida qoysaskooda iyo saaxibadooda jooga Soomaaliya.

“Dalka Sweden wuxuu leeyahay dhaqan iyo taarikh fog oo ku dhisan ixtiraamka dhamaan diimaha kala duwan sida Diinta Islaamka, horumarinta xuquuqul insaanka iyo soo dhaweynta dadka haysta dhaqamada kala duwan.”

“Xiriirka labada dal wuxuu ku taarikhaysan yahay xiligii Soomaaliya xornimada qaadatay, wanaajinta xiriirka labada dal waxaa saldhig u ah ka wada shaqaynta nabada, xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya iyo kor u qaadida dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kala diimaha ah” ayuu yiri RW Cumar.

DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho,Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online