Sh Dr Faysal Maxamed Cali oo booqasho Dacwadeed ku tegay Laascaanood.[Masawiro]‏

April 22, 2015 - Written by Editor

4~1[1]Laascaanood:-Sh.Dr Faysal Maxamed Cali oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ka soo baxay Jaamacadda Islaamiga ee Madiinal Munawarah kana soo qaatay Shahaada ugu sararysa ee PhD ayaa dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya isagoo ah hadda Gudoomiyaha jaamacadda Najaax ee magaalada Burco ayaa shalay booqasho gaaban wuxuu ku yimi magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dr Faysal Maxamed Cali ayaa wuxuu bilaabay booqashooyin iyo wacyigelin uu ku tegey goobaha waxbarashada ee magaalada ,isagoona galabnimadii talaadada xaflad soo dhawayn ah loogu qabtay kuliyada shareecada iyo daraasaadka Islaamiga ah ee Jaamacadda Nugaal.

Waxana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Prof C/risaaq Maxamed Aadan(Lafoole) iyo hormuudka kulliyadda shareecada Dr.Axmed Jaamac Ismaaciil iyagoona sheegay inay soo dhawaynayaan Dr faysal isla markaana uu ka mid noqon doono macalimiinta wax ka bixin doono cahsarada ay ku qaadan doonaan shahaadada Masterka Fiqhiga ah ee ay jaamacaddu furtay dhawaan, Intaa ka dib Sheekh. Dr Faysal oo sheegay in uu kuu faraxsan yahay booqashadiisa magaalada Laascaanood ayaa kelmado dardaarano ah u soo jeediyay ardaydii xafladda ka soo qayb gashay.

Sh.Dr Faysal Maxamed Cali allaha dhowree ayaa waxaa uu habeenkii Arbacada muxaadaro uu cinwaankeedu ahaa (Sidda uu qofka Muslimka ahi naftiisa u daahirinayo) wuxuu ka jeedi yay Masjid Jaamica magaalada, isagoona aroornimadii arbacada booqday Machadka Al-Furqaan halkaas oo uu kelmad ugu soo jeediyay ardayda Machadkaasi.

Ugu dambayn booqashada Sh.Dr Faysal Maxamed Cali ayaa ahayd mid ay aad uga faa’iday steen guud ahaan shacabka magaalada laascaanood ,gaar ahaanna ardayda iyo culimaduba Ugu danbati wuxuu Dr ku booqday qaar ka mida macaahida shareecada ee magaalada .

no images were found

Axmed Said Bile
Xafiiska Warahinta ee Al-furqaan .

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online