Shir looga hadlay kaalinta Beesha Hawiye kaga aadan nabadeynta Umadda Soomaaliyeed oo ka dhacay Muqdisho.[Masawiro]

April 6, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Muqdisho:-Shir uu soo qaban qaabiyey Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo looga hadlay kaalinta Duubabka, Waxgaradka iyo Culimada Beesha Hawiye kaga aadan Nabadeynta umadda Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Hotelka Giyaaje ee Magaalada Muqdisho.

Shirka waxa ka soo qeybgalay Qaar kamid ah Ugaasyada, Duubabka, Culimada iyo waxgaradka beesha Hawiye wuxuuna ahaa Qadasharaf uu Duubabkaas u Sameeyey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaas Cabdiraxmaan oo ugu hireyntii shirka Furay ayaa ka hadlay Qiimaha ay nabadu leedahay iyo kaalinta kaga aadan Duubabka Culimada iyo waxgaradka hawiye kashaqeynta nabadeynta umadda Soomaaliyeed wuxuuna ugaasku ku booriyey Duubaka inay xilweyn iska saaraan sidii loogfa shaqeyn lahaa dib u soo celinta nabadda umadda Soomaaliyeed.

Ugaaska ayaa ugu dambeyntii baaq nabadeen u soojeediyey dhamaan goobaha aysan nabaddu ka jirin wuxuuna dadka ugu baaqay inay heshiiyaan oo ay gacmaha isqabsadaan.

Sheekh Maxamuud Ciise iyo Sheekh Cabdirisaaq Aadan Macalim. oo kamid ahaa Culimadii kulanka ka hadlay iyaa iyagana Waxgaradka iyo Duubabka ku booriyey inay u istaagaan nabadeynta iyo isukeenida umadda Soomaaliyeed.

Ugaasyo, Wabaro, iyo Duubadbka beesha hawiye ee kulanka lagu casuumay ayaa sidoo kale aad u ugu dheeraad faa’dooyinka nabada iyo dowrkooda ku aadan nabadeynta umadd Soomaaliyeed waxayna ku baaqeen in lanabadeeyo leysuna keeno umadda soomaaliyeed ee walaalaha ah loona istaago sidii looga shaqeyn lahaa nabadeyntooda.

Beesha Mudulood oo kamid aheyd Waxgaradka iyo Duubaka maanta kulmay ayaa Shirka kaga dhawaaqay inay fidin doonaan gogol lamid ah mida uu maanta dhigay Ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif taasoo looga tashan dooono sidii umadda Soomaaliyeed loo nabadeyn lahaa

Ugu danbeyntii shirka ayaa sidii loogu talagalay kusoo gabagaboobay Duubaabka, Waxgaradka iyo Culimadii ka qaqeybgashay ayaa aad u soo dhaweeyey kuna tilmaamay talaabo loobaahnaa oo dhanka wanaaga looqaaday.

no images were found

—–Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online