Shir wada tashi ah oo u dhexeeya DFS iyo Puntland oo ka furmay Garowe (Masawiro)

April 11, 2015 - Written by Editor

???????????????????????Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Raysal-wasaaraha Dalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa daah furay Shirka wada xaajoodka dawladdaha Puntland iyo federaalka, kadibna booqday Xarumaha Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashadada, jeelka, jaamacadda PSU sidoo kalana xariga ka jaray Hotel caalami ah oo laga hirgelinayo caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Raysal-wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ugu horeyn daah-furay Shirka Wada Xaajoodka Dawladdaha Puntland iyo Federaalka oo maanta ka furmay Hoolka Shirarka Wasaarada Caafimaadka Puntland ee Magaalada Garoowe .

Xaflada Furitaanka shirka ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ,Isimo, waxgarad iyo sidookale xubnaha labada dhinac uga qeyb galaya Shirka wada xaajoodka .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaliya maanta uu ufurmo shirka wada xaajoodka kaasi oo lagu xoojinayo hashiisyadii labada dhinac ay wada gaareen.

Furitaanka Shirka ka dib ayaa Madaxweynaha iyo raysal-wasaaruhuba si rasmi ah xariga uga jareen hotel casri oo laga hirgelinayo magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, waxaana hotelkaasi dhisanaya ganacsato reer Puntland ah oo dalkooda u yimi sidii ay maalgashi caalami ah uga samaysan lahaayeen.

Madaxweyne Gaas iyo Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidookale jaamacadda PSU kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu soo bandhigayey bandhig buugeed iyo carwo dhaqameed ay soo bandhigayeen aqoonyahano reer Puntland ah oo dalka dibadiisa uga yimi sidii ay dadkooda iyo dalkooda ugu faa’iideyn lahaayen, ugana shaqeyn lahaayen soo noolaynta dhaqanka Soomaaliyeed.

no images were found

Booqashooyinkii ay Madaxweynaha iyo raysal-wasaaruhuba ku sameeyeen xarumaha wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo jeelka weyn ee Garoowe waxaa ay kula kulmeen madaxda iyo shaqaalaha wasaaradahaasi, waxaana halkaasi ay kula kulmeen masuuliyiinta iyo howlwadeenada xarumahaas iyagoona ka dhagaystay warbixino la xiriira shaqada ay u hayaan shacabka reer Puntland.

——–DHAMMAAD——-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online