Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe oo dib u dhacay

April 11, 2015 - Written by Editor

cadaadoCadaado:-Shirka maamul u sameynta gobalada dhexe  oo lagu waday maanta oo Sabti ah inuu ka furmo Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa dib u dhac ku yimid ka dib markii ergo ka tirsan beesha caalamka iyo madax ka tirsan DFS ay iman waayeen. Waxaa kale oo sababaha uu shirka u furmi waayey lagu sheegay diidmada Maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ku gacan seyray in xarumta maamulka G/dhexe laga dhigo Degmada Dhuusa-mareeb

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee DFS Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa xaqiijiyey inuu dib u dhac ku yimid shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe wuxuuna sheegay in dib u dhaca uu yimid kadib markii sidii la rabay uusan u dhicin diyaar garowga shirka maamul u sameynta G/dhexe iyo in masuuliyiinta DFS iyo kuwa beesha caalamka oo aan tagin Cadaado.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee DFS Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in shirka Maamul u sameynta G/dhexe uu furmi doono maalinta talaadada iyadoo guddiga farsamada ay maanta gaareen degmada Cadaado.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online