Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe oo lagu wado in uu maanta ka furmo Cadaado.

April 15, 2015 - Written by Editor

cadaadoCadaado:-Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in lagu wado in uu maanta halkaas ka furmo Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe waxaa ay kulamo kala duwan haatan  u socdaan ergada ku sugan Cadaado iyo Madaxweynaha DFS.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kulamo gooni gooni ah la leh saaka Siyaasiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee gobalada dhexe ee ku sugan magaalada Cadaado ilaa haatan ma jiraan wax ka soo baxay oo warbaahinta laga baahiyey.

Amaanka magaalada Cadaado Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana degmada ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah kuwa DFS iyo ciidamo daacad u ah Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb  kuwaas oo magaalada meel walba ku sugan.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe uu furi doono Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS oo haatan ku sugan Degmada Cadaado.

Wariye madax banaan oo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in maanta la sugay wufuud ka imaaneysa Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo  balse waxaa jira khilaaf yar oo  u dhexeeya Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo wafdiga Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud kaas oo haatan lagu jiro xalintiisa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb kala soco Halgan.net

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online