Shirka Maamul u sameynta Gobalada dhexe oo wili furmin iyo kala argti duwanaansho laga soo sheegayo

April 15, 2015 - Written by Editor

timthumbCadaado:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in uusan wili furmin Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe waxaana laga  soo sheegayaa kala aragti duwanaasho u dhexeysa wafdiga madaxweynaha DFS iyo madaxada Maamulka Ximan iyo Xeeb .

Is mari waaga ayaa wuxuu ka taagan yahay qaabkii uu ku socon lahaa shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe kaas oo lagu waday in uu maanta ka furmo Degmada Cadaado.

Arimaha la isku hayo oo ay soo jeediyeen Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Cadaado waxayna soo jeediyeen in madaxweynaha ka noqdo go’aankii ahaa in Dhuusa Mareeb ay noqoto xarunta dowlad gobaleedka laga dhisayo gobalada dhexe waxayna soo jeediyeen in Ergada shirka doorato halka ay noqoneyso xarunta maamulka gobalada dhexe.

Madaxada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa soo jeediyey in dekkada Hobyo ay noqoto dekkada rasmiga ah ee Maamulka beesha caalamkana ay balamahii ay qaadeen ay fuliyaan.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wili kulamo kala duwan la leh madaxda Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Cadaado waxaana socda xarig diid siyaasadeed.

Ergooyinka qaarka ka yimid Caabudwaaq ayaa dib ugu soo laabtay Degmada Dhuusa Mareeb ka dib markii loo sheegay in xubnaha shirka uga qeybgalaya ay yihiin 20 xubnood iyaga oo arinkaas ka carooday.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Wasiirka arimaha gudaha ee DFS ayaa ku dadaalaya in ay xaliyaan kala aragti duwanaata ka soo muuqatay Shirka Maamul u sameynta Gobalada dhexe si maamul loo dhan yahay looga yagleelo gobalada dhexe.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online