Talo soo jeedin ku socota madaxda Soomaaliyeed:(Federal & states) W/Q Dr. Warfa Abdi

April 3, 2015 - Written by Editor

Maqaal-300x158Aqoontu waxay qurxoon tahay marka loo rogo adeegsi (changing the philosophy into practise); iyo marka mustaqbalka fog ee imandoona aqoon lagu soo dedejiyo (anticipating the future to the present). Aqoontu waa awood, waxayna badbaadisaa jiritaanka ummadda. Waxaa jira dhibaatooyin calculus oo ku waajahan ummadda Soomaaliyeed oo ciribtoodu aad u xun tahay, loona baahan yahay in laga talo bixiyo si looga hortago.

Haddaba, waxaan jeclahay in aan madaxda Soomaaliyeed (Federal & States) u soo gudbiyo talooyinka soo socda. Talo soo jeedintan, xaqiiqdii, waxaan ugu talagalay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ku haysata dalka gudihiisa, waxaanse si gaar ah ugu adkayn lahaa maamulka Puntland, maadaama Puntland ay siyaasad ahaan ugu deggan tahay, mashruuc ahaanna suuragelin karto. Ujeedada talo soojeedintan waa badbaadinta khayraadka umadda Soomaaliyeed, dibadda iyo daakhilba (dad iyo duunyo), waxay ka kooban tahay 3 qodob, waana kuwan soo socda.

Badbaadinta khayraadka dalka ee dibadda jira: (human asset outside Somalia) Soomaaliya waxaa dibadda ka jira khayraad aad iyo aad u fara badan kana muhiimsan wax walba. Khayraadkaasi waa carruurta ku dhalatay qurbaha iyo dhallinta ku kortay, waayo ummad walba waxaa kayd u ah dadkeeda, gaar ahaan, da’da yar ee soo koreysa (human asset). Sideedaba, Soomaali waxaa mideeda: diinwadaagga, dalwadaagga, Issirwadaagga, iyo luqad wadaagga.

Hase yeeshee, waxaa qurbaha ku nool mustaqbalkii Soomaaliyeed oo haddana aan nala diin ahayn, oo aan nagu issir ahayn, waxay ka xishoodaan Soomaalinimada, iyo in ay ku hadlaan Af-Soomaali. Waa mujtamac Soomaaliyeed oo aad u tiro badan oo aan loo caddaalad samaynin, waayo waxaa lagu ambiyey dalal shisheeye oo haddana aan nala dareen ahayn. Mujtamacani waa awooddii ummaddan Soomaaliyeed, waayo badankoodu waa dad aad wax u bartay oo xirfado aad u kala duwan leh, waana da’dii berrito la wareegi lahayd Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay u baahan yihiin oo keliya in la Soomaaliyeeyo.

Waxaa keliya oo lagu Soomaaliyeyn karaa in la geeyo dhulkii Soomaaliyeed, la dareensiiyo in ay leeyihiin dal, dad iyo issir ay ka soojeedaan, lana baro Af-Soomaaliga iyo tarbiyada Islaamka. Wixii kharash ah ee ku baxaya dhallintan waxaa la saarayaa waalidka dhalay dhallintan iyo dadka muxsiniinta ah. Waxaa keliya oo maamullada looga baahan yahay in ay dhiirrageliyaan suugelinta mashruucan. Inta goori goor tahay, haddii aan dadkaan la barin afkoodii hooyo, dalkoodii iyo diintoodii, iyaguna waxay ku milmayaan qurbaha, waxaana ku dhici doonta dal iyo diin la’aan, dhulkii Soomaaliyeedna dad la’aan iyo dabargo’. Haddaba, waxaan madaxdeenna sharafta leh talo ku siin lahaa in ay badbaadiyaan hantida dhabta ah (human asset) ee Soomaaliyeed ee dibadda jirta.

Badbaadinta khayraadka dalka ee gudaha (human asset inside Somalia): Soomaaliya waxaa ku dhex nool dadweyne aad u fara badan. Hase yeeshee, dadkaasi waxay ku jiraan khatarta ugu xun oo haddii aan Alle sahlin noqon karta masiibo safmar ama safgalaal ah (epidemic) oo aad u daran. Khatartaasi waa mid caafimaad, dhaqaale iyo degaaneed oo wadajira waayo Soomaalida ku nool dalka gudihiisa oo dhammi waxay cabaan biyaha musqulohooda ka yimaadda iyo wasakhda ka timaadda qashinka ay dhulka ku aasaan. Arrintan waxaa sababay ceelasha iyo musqulaha oo isku ag yaal meelaha magaalooyinka ah, dhulkana lagu aaso qashin kala duwan.

Run ahaantii, ceelasha ku yaalla agagaarka guryaha waxaa ku soo qulqula wasakhda faraha badan ee musqulaha (waste percolation). Waxaa intaa dheer, biyaha roobku marka ay dhulka hoos u galaan, waxay soo milaan qashinka lagu aaso dhulka hoostiisa, milankaas oo toos u taga ceelka. Waxyaalahaas oo dhammi waxay abuuraan dhibaato caafimaad iyo mid degaaneed oo aad u qallafsan. Dhibaatadani waa xaqiiq ka jirta Soomaaliya oo dhan.

Goobaha laga soo saaro biyaha la cabo waxaa ka xaaraansan:-

1.  in lagu daadiyo biyo wasakh ah oo la soo isticmaalay ama kuwa ka soo rogmada waddooyinka iyo xaafadaha ee soo dhaqa magaalada;
2. in laga qodo godad qashinka lagu aaso, in laga sameeyo qashinqub, iyo meelaha laga qoto dhagxaanta dhismaha (kaawo) oo ugu dambayntii loo dhaafo qashinqub;

3. in laga dhiso xarun shidaal, meel lagu kaydiyo batroolka, lagu farsameeyo gawaarida, iyo in loo soo dhoweeyo saldhigyada bullaacadaha sifeeya (waste treatment. Station).

4. in loo soo dhoweeyo xabaalaha dadka lagu aaso, ama in lagu aaso dhiriqda xoolaha.

5.in lagu ururiyo barwaaqeeyayaasha beeraha, cayayaan dileyaasha, caws dileyaasha, walxo kiimikaad, kuwa radio-active-ka ah, iyo in loo soo dhoweeyo meelaha lagu kaydiyo wasakhda iyo haraaga warshadaha intaba.

Biyuhu waa nolol, qof walbana mas’uul ayuu ka yahay ilaalinta tayada biyaha. Waxaan haddaba, madaxdeenna sharafta leh aan talo ku siin lahaa in ay ceelasha la cabo ka saaraan magaalada gudeheeda, ayna badbaadiyaan shacabweynaha Soomaaliyeed ee gudaha ku nool.

Badbaadinta khayraadka Soomaaliyeed ee ku sugan dhulka hoostiisa (Underground Somali resources):-
Khayraadka Soomaaliya kuma koobna dadkeeda oo keliya ee waxaa ka buuxa shidaal. Run ahaantii, waxay madaxdeennu ku fadhiyaan qaar ka mid ah godin shidaaleedyada ugu ballaaran dunida (one of the largest gas and petroleum basins in the world), inta laga ogsoon yahay, waxayna u badan tahay in dhowaan la soo saaro.

Wuxuu aad ugu dayacan yahay mussuqmaasuq sida ka dhacday dalka Nigeria, waayo shirkadaha shisheeye waxay rabaan lacag sahlan iyo mus’uuliyad la’aan. Waxaan filayaa in lacagtiisu ay tahay lacagta ilmeheenna kumaad (1000 generation), loona baahan yahay in loo kaydiyo, marka laga reebo baahida degdegga ah ee aan hadda u qabno.

Waxaan ka welwelsanahay in naloogu bedelo koombooyin (baabuur), biro, caagag iyo cunno sida ku dhacday dalalka khaliijka. Waa in khayraadkaas loo kaydiyaa ilmeheenna dhalandoona 100 qarni kadib, loona adeegsado kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada oo keliya. Waxaa xusuus mudan in Soomaaliya ayan marna ku soo noolaanin iibgeynta shidaalka, waayo waxay Soomaaliya leedahay beero, xoolo iyo kallun. Waxaan haddaba madaxdeenna sharafta leh kula talin lahaa in la badbaadiyo khayraadkeenna dad iyo duunyo, maal iyo moodba.
——————————–
Warfa Abdi Mohamed (Garweyne)
warfagarweyne@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online